Madaxwayne ku xigeenka Jubba Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Luga-dheere Oo Minnepolis Lagusoodhaweyay +SAWIRO

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa munaasibad soo dhawayn ah waxay magalada Minnepolis ugu sameeyeen Madaxwayne ku xigeenka Jubba Cabdiqaadir Xaaji Maxamed Luga-dheere iyo wasiika iskaashiga iyo xiriirka Maxamed Nuur.

Soo dhawaynta mas’uuliyiintan mamulka Jubba ka socda ayaa waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha xaafada lixaad ee Minnepolis Cabdi Cumar,Alfarnk oo ah Seneter laga soo doorta Minnepolis iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaladaasi.
Madaxwayne ku xigeenka mamulka Jubba Cabdiqaadir Lugadheere oo munaasibadaasi lagu soo dhawaynayay khudbad ka jeediyay ayaa sheegay inay muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay taageereen mamulka Jubba isla markasna laga qayb qaato hormarka iyo isku xirnaanshaha ka socda magalada Kismayo.
Lugadheere ayaa sheegay mamulka Jubba inuu u baahan yahay taageero shacab oo mugwayn islamarkasna Qurba Joogta Gobaladda mamulka Jubba kasoo jeeda looga baahan yahay inay ka qayb qaataan dhismaha iyo maalgashiga dhulka Jubbaland.
Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook