Madaxweyen Xasan sheekh oo ilaaway Calanka somaliya Markuu Turkiga Gaaray

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga halkaasoo uu uga qeybgeli doono caleema saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga Racep Tayip Erdogan oo ka dhaceysa maagalada Ankara iyadoo Erdogan uu ahaa mas,uulkii ugu horeeyay ee indhaha caalamka kusoo jeediya Soomaaliya kadib markii uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011ka ee ina soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas,uuliyiin katirsan dowladda Turkiga, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo diplomaasiyiin Soomaaliyeed waxaana loo galbiyay halka uu ka degayo magaalada Ankara,

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in wafdiga madaxweynuhu ka qeybgalka munaasabadda ka sokow ay kulamo muhiim ah la yeelan doonaan mas,uuliyiinta wadankan ee kala duwan gaar ahaan madaxweynaha cusub iyo ra,isulwasaaraha Turkiga iyo weliba ganacsato.

Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa intii uu ahaa Ra,isulwasaaraha dalkan waxa ay dowladiisu ka fulisay Soomaaliya mashaariic farabadan oo isugu jira dib u dhis,iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyadoo ay intaa dheertahay deeqo waxbarasho oo ay ka heleen arday badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo ilaa hadda wax ka barta gobollada dalka Turkiga ee kala duwan.

Madax badan oo aduunka ah ayaa kusoo qul qulaya magaalada Ankara si ay uga qeybgalaan munaasabadda Khamiista ka dhaceysa Ankara ee ku aadan caleema saarka madaxweynaha ku guuleystay doorashadii ka dhacday Turkiga.

Dhinaca kale Madaxwyne xasan sheekh ayaa ilaaway calankeeda quruxda badan ee somaaliya waxaana sida ad sawirada ka arki doontaanba agyaala Calanka Turkiga

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

2 thoughts on “Madaxweyen Xasan sheekh oo ilaaway Calanka somaliya Markuu Turkiga Gaaray”

  1. asc waa yaab madaxweynaha ayaa calankiisa hillmaamay wax dhici karo ma ahan mideeda kale wadanka uu tagay safaarad kuma lihin miyaa mase safiirkii ayaa hurdo dheer ku magan waa yaab marka allaha ha u naxariiste mahmed siyaad bare ayaa dal ayaa layga dhaxlaa dad laygama dhaxlaayo waxaan kaloo xasuustay hees ay qadeen hoboladii qaran waaberi waloow aan xasuusto ereyada heesta laakiin fanaanka codkiisa ka dhac muuqday inuu cali ubax ahay ma sheegi karo laakiin miraha heesta ayaa aheyd sidaan
    waa loo dhashaa wadani
    mase waa layskaga dhgi karaa wadani
    waa loo dhashaaye sidee baa layskaagga dhigi karaa wadani
    marka madaxda wadanka wadaniya ayaa ku yar dhamaantood madaxweynaha iyo raiisarwasaaraha iyo golaha wasiirada xataa baarlamaan dhamaantood ma ahan niman wadani ah waa yaab wafdiga la socday iyo qolada bertakoolka ku qaabilsan iyo madaxda dowlada ka tirsan oo la socday hurdo miyay ku jireen sidee calanka ku hilmaameen taas ayaa daliil u ah in ay wadaniyda ka maqan tahay dadkaan qaranka somaliyeed waa matalnaa dhahaayo

  2. aniga ma qabo fikrada aad kasoo hadasheen oo ah madaxweynaha inuu calanka soo ilaaway maanta malinta turkiga oo madaxweynaha lagu caleema saaraayey marka ma ahan malinta oo calanka somali iin meesha la keeno turkiga waa mesha kaliya calankeena si fiican ugu dhaxmuuqda marka jaale madaxwene halaga leexdo hadii kale wax kale ayaad naga filan doontaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook