Madaxweynaha Djibaouti Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil Yaa Dili Rabay …

Wararka ka imaanaya Magaalada abuuti ayaa sheegaya in garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi shalay galinkii dambe ay ka dhacday rasaas uu furay mid ka mid ah Ciidanka Ilaalada Garoonkaasi.

Rasaasta uu furay Askarigan katirsanaa Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha ayaa timid kadib markii ay murmeen sida la sheega nin dhaqtar ah sidaana uu rasaasta ku furay.

Inta la xaqiijiyay Rasaastii uu furay askariga waxaa ku dhaawacmay laba ruux, oo middi uu yahay dhakhtarta caafimaadka ee Madaxweynaha Jabuuti, Dr. Idiris Cabdi Galab, ee askarigu murmeen iyo sidoo kalana ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada Jamhuuriga ah.

La taliyaha Dhinaca Warfaafinta ee Madaxweynaha Jabuuti, Najiib Cali Tahir, ayaa xaqiijiyay in rasaas ay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jabuuti , waxa uuna intaa raaciyay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu garoonkaasi daqiiqado kahor ka tagay intaaysan rasaastu dhicin.

Rasaasta uu furay Ninkan askariga ah ee katirsanaa Ilaalada Garoonak ayaa lataliyaha Mdaxaweynaha ku micneeyay mid ka dhalatay Khilaaf dahx maray ASkariga iyo dhakhtarka Madaxweynaha.
Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook