opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Madaxweynaha Shabeele State OO Kaqeyliyay Dhibaatdii Kadhacday Baydhabo +COD

Share

Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), ayaa wuxuu cambaareeyay dhibaatadii loo geystay, dadkii rayidka ahaa ee shalay banaanbaxa ka dhigay Magaalada Baydhabo. Wuxuuna tacsi u diray Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxamed.

Madaxweynaha wuxuu arrin foolxun uu ku tilmaamay dad shacab ah oo banaanbax dhigaaya, in rasaas loogala horyimaado, waxyeelana loogu geysto, iyadoona uu xusay in tallaabadaasi ay liddi ku tahay Dastuurka.

Waxa uu soo hadalqaaday in dadka la caburin jiray xilligii gumeystaha uu dalku heystay iyo mudadii ay dalka ka arrimineysay Dowladdii Dhexe ee Militariga ku dhisneyd.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in Dowladdu ay baaritaano ku sameyso cidii masuulka ka ahayd, rasaastii khasaaraha geysatay ee shalay ka soo gaartay dadkii banaanbaxa isugu soo baxay Magaalada Baydhabo.

Abuukar Cabdi Cismaan, ayaa codsanaaya in Dowladdu ay Maxkamad soo taagto cid kasta, oo ay ku cadaato inay ka masuul tahay rasaasta nool nool ee dadka rayidka ah loo adeegsaday.

Hadalka ka soo yeeray Mardaadi waxa uu ku soo aadayaa, xilli Maamulka Koonfur Galbeed uu sheegay inay sii wadi doonaan banaanbaxyada ka bilowday Magaalada baydhabo.

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook