Xasan Shekh OO lakulmay Somalida Kunool MinnesotaSAWIRO+VIDEO

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la hadlay kumannaan ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, kaddib booqasho laba malmood ah oo uu ku yimid magaalada Minneapolis.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababaha uu u yimid magaaladda Minneapolis ay tahay inuu jaaliyadda uga war bixiyo xaaladda uu dalku marayo, iyagana ka dhageysto wixii talo iyo tusaale ah.

“Somalia horay ayay u socotaa, lama joogo meeshii shalay, waxaanse leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, iyaguna ciidan ahaan waa wiiqmeen, waxay awoodoodii ku soo ekaatay qarax iyo tooshado, insha’allaah iyagana waan ka adkaan donnaa, kuwa Soomaalida ah ee Alshabaab ku jira waxaa ku xiran hal shuruud oo ah (ku dhawaaqa inaad fowdada iyo qalalaasha joojiseen) waayo waa Soomaali oo dalka ayay wax ku leeyihiin, kuwa Ajinabiga ahna waxaa ku filan naga taga” ayuu si qiiro leh u yiri madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud.

“Illaa maalintii la i doortay waxaan ka badbaaday ugu yaraan 10 isku-day oo Al-shabaab yay doonaysay inay igu disho, waayo waad ogtihiin inaysan cafineyn oday, wiil, madax, gabar iyo qof kasta oo fikirkooda ka hoor jeessta” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inay jirto rajo xoog leh oo laga qabo in doorasho ay ka dhacdo dhulka Soomaaliya.

“Waxaan shaqada imid, iyadoo maamulkii KMG ee naga horeeyay uu runtii wax badan qabtay, inaguna waxaan dooneynaa inaan wadanka ka gudbinno marxaladda uu hada ku jiro, una gudubno in dadku ay awoodda yeeshaan, soona doortaa ciddii matali laheyd, ma dooneyno in Garaad ama Oday dhaqameed dambe uu madax noo soo xulo, waxaan hadda ku howlannaya in 2016 dabayaaqadeed ay doorasho dhacdo, waana nidaamka dimoqraadiyada ee dhismaha xisbiyada, dhameystirka dastuurka iyo hirgalinta Federalka” ayuu xusan madaxweynuhu.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook