Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta safaaradda Soomaaliya ee Turkiga +SAWIRO+ VIDEO

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kormeerey xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Safaaradaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu gaaray xarunta safaaradda waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo diblomasiyiinta safaaradda ku sugan, waxaana uu ku soo wareegay dhammaan qeybaha ay safaaradda ka koobantahay.

Mudane Xasan Sheekh ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah howlwadeenada safaaradda oo sharaxaad ka siiyay qorshe dhow oo ay damacsanyihiin in ay ku horumariyaan adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in bisha October ee sanadkan ay dalka Turkiga ku qabtaan shirweyne ku saabsan dhanka maalgeshiga oo u dhexeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Madaxweynaha dalka oo intaasi kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Waxaan tegnay safaaradeenii Ankara, shaqaalo diyaar u ah inay dalka ugu adeegaan ayaan kula kulmay, oo ay ka midyihiin Safiirka, xoghayaha safaaradda, qunsulka, u qeybsanaha safaaradda ee dhanka ganacsiga, u qeybsanaya safaaradda ee dhanka Militeriga iyo diblomaasiyiin kale aad ayaana ugu farxay markii aan arkay howsha ay hayaan iyo muuqaalka guud ee safaaradda”

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook