Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Siweyn Loogu soodhaweeyay Turkiga +SAWIRO

Waxaa Dalka Turkiga gaaray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Siyaasiyiin kasoo Jeeda Dalkaasi, Aqoonyahaano Soomaaliyeed iyo Waliba Maamulka Safaarada Soomaalida ee Dalkaasi Turkiga.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa la filayaa inay halkaasi ay uga qeybgeli doono caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Turkiga Racep Tayip Erdogan oo ka dhaceysa maagalada Ankara iyadoona ay xusid mudan tahay in Erdogan uu ahaa mas,uulkii ugu horeeyay ee indhaha caalamka kusoo jeediya Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in halkaasi uu kulamo kula qaadan doono Madaxda Dalkaasi oo uu kala hadli doono Arrimaha Dalka Gaar ahaan xoojinta Siyaasada labada dal.

Dhanka kale, Waxaa dalkaasi kusii qulqulaayo Madax badan oo aduunka ka kala socda oo iyagu ka qeybgalaan munaasabadda Khamiista ka dhaceysa Ankara ee ku aadan caleema saarka madaxweynaha ku guuleystay doorashadii ka dhacday Turkiga.

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook