Man United Oo Hishiis Ka Gaartay Arinta Angel Di Maria

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda ayaa sheegaya in kooxd Real Madrid ay hishiis la gaareen United oo ku aadan in 50-milyan oo gini ay kaga iibiyaan laacibkoooda garabka ee Angel Di Maria.

Wargeyska Metro ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku hishiiyeen in laacibkaan ku yimaado Old Trafford aduun gaaraya 50 milyan oo gini oo u dhiganta 62 milyan oo euro

Waqti sii horeeyay oo shalay ah wargeyska kale ee Daily Mail ayaa qoray in United ay Real ula tageen dalab waali ah oo gaaraya 100 milyan oo euro si ay u helaan saxiixa Di Maria

Man United ayaa dooneysa in laacib wax ku ool ah ay ku soo biiriyaan garabka Man United , iyadoo Di Maria ay u arkeen laacibka ka haqab tiri kara booskaas

Sidaas oo ay Tahay PSG ayaa iyana dooneysay laacibkaan heer ciyaareedka wacan kula soo muuqanaya Real Madrid ee Di Maria
BARIIS WARDOON SPORTS
WARDOON.NET@GMAIL.COM

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook