opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Man United oo Kahartay koobka Capital One Cup +SAWIRO

Share

Tababaraha kooxda Man United Louis van Gaal ayaa xalay mar kale la kulmay guuldaro qaraar ka dib markii laga soo reebay koobka Capital One Cup.

Kooxda MK Dons ayaa kaga badisay Man United goolal dhan 4-0 iyadoo kooxda loo filaayay in si fududu ay kooxdaan kaga badin karto balse taas badalkeeda ayaa dhacday..

Man United ayaa xalay ciyaartay markeedii ugu horeysay taariikhda 19-sano ka dib wareega labaad ee koobkan waxaana kala kulantay waji gabax aan la mahdin.

Kooxda ku guuleysatay koobkaan afarta mar Man United ayaa sanadkaan ku dhax jirta xaalada adag waana sanadkii labaad oo ay ku dhacayaan guuldarooyin is dabajoog ah.

Kooxda MK Dons  ayaa waxa ay tahay koox la aas aasay sanadkii 2004 waxaana iminka u buuxsamay sanadkeedii tobonaad ,sidaas darteed waxa ay xalay gaartay guul aysan fileyn.

Will Grigg ayaa dhaliyay laba ka mid ah afarta gool isag oo mid ka mid ah ka faa’iideystay qalad uu galay ciyaaryahanka Jonny Evans oo dafac ugu ciyaara Man United.

Sidoo kale ciyaaryahanka Benik Afobe oo ay kooxda Arsenal iska leedagay ayaa isagana labada gool ee kale ka dhaliyay Man United.

Ciyaartooydii labada kooxood u safneyd.

MK Dons 4-2-3-1: Martin 6.5; Baldock 6.5, McFadzean 7, Kay 7, Lewington 6.5; Alli 7.5, Potter 7.5; Carruthers 6.5 (Green 61 min, 6.5), Reeves 8, Bowditch 7 (Powell 56, 6); Grigg 7.5 (Afobe 68, 7). Subs: McLoughlin, Spence, Randall, Hitchcock.

Manchester United 3-5-2: De Gea 6; M.Keane 5, Evans 4.5, Vermijl 5; Janko 5 (Perrara HT, 6), Anderson 5, Kagawa 4 (Januzaj 20, 5), Powell 6 (Wilson 57, 5), James 5; Hernandez 4, Welbeck 6. Subs: Amos, Zaha, McNair, Thorpe.

uni6
uni5
uni4
uni3
uni2

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook