Mario Balotelli oo tababar ku qaatay maaliyadda Liverpool +SAWIRO

Mario Balotelli ayaa kaligiis tababar ku qaatay xerada tababarka Liverpool ee Melwood shalay oo Isniin ah isagoo qarka u saaran inuu dhameystiro heshiis 16 milyan oo ginni ah oo uu kaga imaanayo AC Milan.

Kooxda tababare Brendan Rodgers ayaa ka hor imaaneysa kooxdii hore ee Balotelli uu u ciyaari jiray ee Manchester City kulan caawa ka dhici doona Etihad Stadium, waxaana la filayaa inay heshiiskaan ku dhawaaqdo ka hor kulanka caawa iyadoo xiddiga reer Italy uu noqon doono ciyaaryahan Liverpool ah.

24 sanno jirkaan, oo kooxda AC Milan uga soo dhaqaaqi doona heshiis 16 milyan oo ginni ah ayaa yimid xerada tababarka Melwood galabta oo Isniin ah si uu u dhameystiro heshiiska uu kula biirayo Liverpool, iyadoo uu tijaabo caafimaad ku sameyn doono Ryland Morgans.

Xiddigii hore ee Inter Milan ayaana tababar ku qaatay maaliyadda rasmiga ah ee Liverpool, taasoo caddeyneysa sida uu heshiisku ugu dhow yahay in la dhameystiro.

Mario Balotelli 1 Mario Balotelli

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook