Maxaa Loola Jeedaa Baaldiga Biyaha Barafka Leh Ee La Isku Shubayo.?+ Video

Waxaa hubaal ah in dad badan ay isweydinnayaan micnaha iyo ujeedka ay xambaarsantahay sheekadda maalmahan dambe dunida sedexaad gaar ahaana wadamadda Afrika ay la yaaban yihiin ee afka qalaad lagu yiraahdo ALS Ice buket challenge.
Haddaba hadii aynu si kooban u micneyno arintan ayaa inta badan waxaa loola jeedaa xujjo, taasoo baaldi ama garaafo biyo baraf leh madaxa halmar la isaga shubayo, waxayna ku saabsan tahay olole wacyi galin ah iyo lacago tabarucaad ah loogu aruurinayo si baaris lagu sameeyo cudurka amyotrophic lateral sclerosis[ALS], oo ah cudur halis ah kuna dhaca neerfaha iyo murqaha qofka bini,aadamka ah.
Inta badan xujadan ama ololahan ayaa qofka sameynaya waxa uu iska duubayaa muqaal fiidiyow ah isaga oo madaxa biya qabow isaga shubaya, isla markaana muqaalka fiidiyowgaas ku baahinaya ama ku wadaagaya Website, TV ama barraha kale ee bulshada sida Facebook-ga, Twitterka, Instagram ama Youtube ka.
Nidaam ahaan, mudada xujadan ayaa qaadanaysa ilaa 24 saac gudahood in aad ka jawaab bixiso haddii qof uu ku soo xujeysto, qofka xujada sameynaya waa in muuqaal fiidiyow ah iska duubo ugu horeen, waana in uu sheegaa in uu aqbalay xujada kadibna uu ku shubo baraf baaldi ama garaafo biyo ah si biyaha u noqdaan kuwa qabow, kadibna, uu madaxa isaga shubo ama looga shubo, sidoo kale waa in uu sheegaa qofka ama shaqsiyaadka uu ku xujjeysanayo.
Haddaba qofka la xujeystay ayaa waxaa u banaan laba arin midkood in uu kala doorto, mida koowaad in uu ka baaqsado xujo furka oo uusan sameynin balse waa in uu ku deeqaa lacag dhan $100.00 Boqol Dollar, ama in xujada uu furo oo sameeyo in uu biyo qabow uu isku shubo uuna ku deeqo lacag tabarucaad ah oo dhan $10.00 toban Dollar .
Si kastaba sheekaddan biyaha barafka leh ee baaldi intaad soo qaadato aad dusha isaga shubayso ayaa waxaa loo yaqaanaa ALS Ice buket challenge waxayna noqotay mid si aad ah ugu shaacbaxday bulshadda dhexdeeda, iyadoona soo jiidatay dareenka bulshada iyo saxaafada, kadib markii ay sameeyeen shaqsiyaad dunida caan ah ka ah, kuwaas oo isugu jira siyaasiyiin, maalqabeeno, ciyaartooy, fanaaniin iyo dadkale oo sumcad iyo magac leh.
Haddaynu eegno dhanka siyaasiyiinta, Madaxweynaha mareykan ka oo xujjadaan lagu xujjeystay oo kal hore ka baaqsaday in uu sameeyo balse badalki ku tabarucay lacag, ayaa ugu dambeyntii aqbalay arintan isagoona sameeyay in uu dhusha isaga shubo biya qabow ayaa markiisa wuxuu ku xujeystay arintan madax badan, siyaasiyiinta kale ee caalamka laga arkay iyagoo sameynaya baaldi biyo isku shubkan ayaa waxaa kamid ah

Putin, Bishaar Asad iyo hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya.

Dhanka maalqabeenada howshan sameeyay, waxaa kamid ah

Mark Zuckerberg, asasaha facebook oo isagu xujjeystay hantiilaha weyn ee Bill Gate, Bill Gate ayaa isaguna xujadan furay isagoona sameeyay qaab cajiib ah oo uu biya badan oo qabow sifiican ugu qubeystay.

HALKAN KA AQRI SHEEKADA HADAAD ENGLISH TAQAAN

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Maxaa Loola Jeedaa Baaldiga Biyaha Barafka Leh Ee La Isku Shubayo.?+ Video”

  1. adan says:

    Cidaan maalin walbo sheeko cusub ay nookeenayaan maantane baaldi qaboow halaysku shubo ayay maraysaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook