opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Maxkamada qalabka sida ee DFS oo xukuntay Aabe dhalay wiil shabaab ku biiray +COD

Share

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ayaa waxay shalay xukun Lix bilood oo xabsi ciidan ah, ay ku riday aabe Cismaan Cali Maalin, oo wiil uu dhalay lagu helay Shabaabnimo.
Aabahaan, ayaa dhalay Daahir Cismaan Cali oo loo yaqaano (Daahir Dayax), kaasoo ay shalay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida, ay ku xukuntay xukun dil toogasho ah.

Daahir Dayax iyo nin kale oo maqan waxaa lagu helay in ay ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee Yuusuf Xasan Cadow (Yuusuf Taraafiko), oo ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada ee Wadooyinka. Waxayna bilowgii bishii Ramadaan ay ku dileen Degmada Kaaraan.

Maxkamada Ciidamada, ayaa waxay aabahaan ku eedeysay in uu dayacay wiilkiisii, isla-markaana uu ka gaabiyay in uu ku soo wargeliyo laamaha ammaanka, xubinimadiisa Shabaabnimo, si looga hortaggo khatartiisa.

Afhayeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida C/laahi Maxamed Muuse (Keyse), ayaa sheegaaya in waalid kasta oo aan laamaha ammaanka ku soo wargelin, in ubadkoodu ay ka tirsan Al Shabaab, la xukumi doono kolka gacanta lagu soo dhigo.


Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook