opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Miroslav Klose Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga Ah

Share

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaari jirayxulka Germany ee Miroslav Klose ayaa ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee dalkiisa Jarmalka.
36 jirkaan ayaa haysta rikoorka ciyaaryahanka ugu gooldhalinta badan ee tartanka koobka adduunka waxaana uu leeyahay 16 gool.
Weeraryahankan Miroslav Klose ayaa xulkiisa Germany wuxuu u ciyaaray 137 kula isagoona u dhaliyay 71 gool
Xiddigan Miroslav Klose ayaa tartankii ugu danbeeyay ee koobka adduunka ay qaadeen xulkiisa Germany ee sanadkan 2014 lagu martigaliyay dalka Brazil qayb ka ahaa, isagoona ciyaaryahankan Klose uu yahay laacibkii sadexaad ee taariikhda kubada cagta dunida abid 4 jeer oo isku xigta ka qayb gala koobka adduunka.
Si kastaba xiddigan Klose ee maanta ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulkiisa Germany ayaa wali ku dhex jira saaxadda kubadda cagta, isagoona haatan ka tirsan xiddigaha kooxda talyaaniga ka dhisan ee Lazio.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook