opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Mungaaboow: Muqdisho magangali!

Share

Anigu waxaan u aqaan Muqdihso “Magaalada unugga dhibka Soomaaliya” in badan ma maqashay magaalada bahala galeenka ah? In badan ma maqashay magaalada amniga xun? In badan ma maqashay magaalada isbaarada iyo leejada? In badan ma maqashay magaalada nabad diidka iyo jiha laawayaasha? In badan ma maqashay magaalada qarandumiska iyo dawlad necebka? Intaa haddaad hore u maqashay, magaceeda maantaa waa: MUQDISHO MAGAALADA MOOSHINKA.

Muqdisho korkeeda, dhexdeeda iyo daafaheeda waxaa ku loollamay maamul kali talis ah, jabhado, qabqablayaal, wadaaddo xun iyo kooxo muuq, hummaag iyo dareensiba leh; odoyaal, ganacsato, NGOley, iwm. Xumaantii ay kuwaa faleen, dambiyadii Aadanaha liddiga ku ahaa ee ay geesteen, ayaa astaan iyo summad Muqdisho looga dhigay ujeed gurracan awgeed, oo ah gef kale oo lo geysanayo magaalada.

Meel xun iyo magaal xasarad gaar u leh ma jirto, waxaase jira MAAN MARAN iyo MAQAAM MURAN! Micnaha dadka iyo dareenkooda unbaa xume, daar ama duddun daran ma jiraan. Waa tii la yiri: “Duddun dareensi iyo duggaashi ma gasho!” waxay tahay in aadan mar walba laba isku helayn, aan ku qotomiyo teennee, adoo xun magaalo ma wanaajin kartid. Dad iyo dabcigiis ka sii fog baan filaa. Maxaa yeelay; maan ahaan uma diyaarsanid, inta aan la gaarin maqaam iyo muuqaal.

Maamulladii isaga dabamaray maarayntoodii ma samayn samaan loo aayo iyo aayo  wacan oo la higto. Saddaxda qodob ee kala ah: 1- Muqdisha oo cududdii ciidan ee Alshabaab laga saaray. 2- Muqdisho oo laga hirgalshay kulankii duubabka DHAQANKA iyo SIYAASADDA. 3- Dhaqdhaqaaqya kala gaddisan, ee leh; dib u dhis, guriyeyn, camiraad iyo wixii soo raaca, ayaa waxay keeneen in Muqdisho ay noqoto magaalo aan magacii hore iyo muuqii hore midna lahayn, oo aan filayo inay tahay aragti aan qaldanayn, haddii Muqdisha hoggaankeeda iyo hannaankeeda badalmay, maxaa xigay?.

In maan demman, in muran badan, in madax maran, in xis maqan, in beeli martay, in qabiil maquunsaday, in dani ku maran tahay iyo in muuq raac ah ayaa Muqdisho ka dhigay ama looga dhigay magaalo MUGDI, haddana, markii la islahaa GUDCURKII ayey ka soo baxdaysaa ayaa waxaa billaabatay hannaankii iyo habkii 23ka sano lagu cuuryaaminayey mid ka duwan, oo dawladnimo loo ekaysiinayo, balse, mooryaaneyn ah.

Waxaa la yiri: “Abeesadu DHUL u eki ayey ku dishaa, Wadaadkuna DAD u eki!” haddana, Xildhaannada mooshinka keenay waxay Muqdisho ku duminayaan XILDHIBAANNO u ekin, ee haddii ay soo mari lahaayeen waddadii jirriyada, hubaal in mar hore hilfaha loo qaadi lahaa, balse, midabka, muuqa iyo mansabka ayey dadka ku qaldayaan, balse, waxaa la joogaa goortii laga siibi lahaa haragga beenta ah lagana fiiqi lahaa maqaarka sirmada.

Guddoonkii hore ee Gabolka Banaadir hayey hal go’aan oo loo aayo ma goyn, ee la xiriira; ammaanka, maareynta, nabadeynta, hanti isu celinta, hormarinta, dib u dejinta, dhisme golo deegaan iyo maamul goboleed, u diyaarinta gobolka doorasho iyo codayn, xakamaynta dhaqaalaha gobolka, la xisaabtanka dawladda dhexe, kaabidda iyo kobcinta ilaha dhaqaale ee gobolka IQKB. Mudane Mungaab, sidii aad xilka u qabatay waxaad la timid isbadal degdeg ah, sida lagu xunto Suudaanta aad dalkeeda wax ka soo baratay, marka qof maamul loo dhiibo, haddii uu waayo wax kale oo uu qabto, wuxuu kala wareejiyaa kursiga, oo uu halkii uu ka soo jeeday ma ahane dhan kale ka soo jeedshaa. Hadda madaxyo iyo magacyo kala baddashaye, waxaan sugnaa ba waa wixii soo raaca, ee halganku ha socdo, dibna loo noqon, haddaba, Mungaaboow: Muqdisho magangali! Haddi iska eeg, weedhu waa laba macnaaleey. Magangali, oo hororka ka horjoogso, ama magangali, oo ka horwareeg ma hoggaamin kartid, labadaa kala dooro.

Kooxda mooshinka ka keenay shirkadda FAVORI ee gacanta ku haysa Garoonka Aadan Cadde, ee kala wareegtay shirkadda SKA, oo hore u maamuli jirtay, ayaa in badan oo Soomaali ah iyo dadka Muqdishaba la yaabeen, oo runtii noqotay LAF DHUUN GASHAY iyo SEED LAGU MARGADAY, maxaa yeelay, warbixinta shirkadda ee lix biloodlaha ahayd waxay ku sheegtey in dakhliga Garoonka uu kordhay 50% (boqolkiiba kontan) marka loo eego maarayntii ka horraysay.

Intaa kaliya ma ahan, ee shirkaddu waxay soo bandhigtay naqshadda ay doonayso inay u dhisto Garoonka oo ay ballanqaadeen inay ku soo afjaridoon muddo sanad ah, oo bilo yar kaliya ka harsan yihiin. Intaa haddaan shirkadda uga gudbo, waxaa jira oo badan shaqooyinka ballaaran ee ay dawladda Turkigu ka waddo Muqdisho, ee leh dhismooyin cusub, dayactir dhismo dawladeed, sida: Isbitaalka Digfeer (Turkish Hospital), Golaha Shacabka iyo xarumo kale. Waxaa kale oo jira, inay fureen xarummo agoomeed, Iskuullo lagu barto luqadaha iyo farsamada, dhismaha waddooyinka Muqdisho iyo xoojinta nadaafadda iwm.

Shirkadda ama dawladda intaa Muqdisho kaliya ka qabatay, gobollo kalana ay taageero dhaqaale iyo qalab dhisme gaarsiiday, sida maamulka Waqooyi, Bari, Baay iyo Bakool, Jubbooyinka iyo Gobollada Dhexe. Waxaan ka wada dharagsan nahay in inta Turki noo qabtay dawlad, shacab iyo shirkadaba aysan jirin dawlad noo qabatay, danta ay doonaan ha ka lahaadeene, haddana, waxa la isaga indha tirayo hormarka ay ka wadaan guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Muqdisho, oo waliga la doonayo in hakad la galiyo amaba la joojiyo gebi ahaantiisaba ma garan?. Carab Timir, Masjid dhib abuur, shabaab iyo shar ma ahane, maxaa kale oo laga dheefay?.

Aamuska maamulka Gobolka Banaadir, mudane Mungaab, Guddoomiyeyaashiisa iyo Wasiirrada ku shuqulka leh waxay ku galinaysaa cabsi weyn iyo dhiillo culus. Kaba dhig, in dhaliisha loo jeedinayaa ay sax tahay, waxaa is weydiin mudan; DHALIISHA ay leedahay iyo DHEEFTA lagu qabo, tee badan? Muran la’aan DHEEFTA ayaa badan, oo haddaa, maxaa la isaga indha saabayaa, maa runta la isu sheego? Gudoomiyaha Guddiga Garoommada iyo Dekadaha ee Baarlaamnaka mudane Cusmaan Aadan Dhuubow haddii uu bisha soo socota inta Garoon iyo Dekad dalka ku taal mooshin ka keeni waayo, u aqoonsado inuu dano Muqdisho ka dhan ku shaqaynayey, ee fadlan isaga ha lala xisaabtamo.

Midda Mooshinka looga keenay in la eryo shirkadda Favori, laguna doodayo dalka ayey sharci darro ku joogtaa, dalku waa kee? Ma Xamar mise? haddaba waxaa is weydiin leh, waxaa dib loo dhisay garoonka Hargeysa, mooshin lagama keenin, kan Boosaaso oo Cabdiweli Gaas Doorashada ku galay, mooshin lagama keenin, haddaba, maxaa keenay in waddooyinka, Dekadda, Garoonka Muqdisho, adeegga bulshada Xamar iyo Isbitaallada dib loo dhisayo in Mooshin laga keeno? Waa yaan hore loo socon iyo Muqdisho mugdiga ha ku jirto, ee Mungaabow maxaa ku aamusiyey? Maxaase afka qabtay guddoomiyeyaasha Suudaan, ee Xamar sida daadkii harqiyey? Maxay uga hadli la’yihiin, sidii loogu jawaabi lahaa mudanayaasha mooshinka? Mardhaw filo qormo Suudaamaysan.

Midda kale, ee anfariirka igu ridaysa waa aawaye Odoyaashii Xamar ka dhexqaylin jiray, ee haddii shir lagu qabto Baydhabo ama Kismaayo lahaa, xaq ayaa maqan iyo dad ayaa lagu tumanayaa ayahooda, maxay middan xaqa ah uga hadli la’yihiin? Aaway kuwii sheeganayey odayaasha Muqdisho ee Nabaddoon Xaad u horreeyo, ee shalay Xabashi nacaybka dadka ku dagaalgaliyey, maanta waxay ku dalxiisayaan Waqooyi, oo Soomaali kala go’eed u dabbaaldegaya martina u yihiin. Ku lahaa, anagu siyaasad uma iman, oo hadda meesha waxa ka dhacaya ma Alla bari baa mise waa Sab? Saw ma ahan go’aan iyo talo siyaasadeed hirgalinteed, ee ku qotonta in Waqooyi laga gooyo Soomaaliya? Halkii ay ahayd inay Xamar ka yureeyaan horarka shaarar badan sita, si aysan dib ugu laaban mugdigii hore, ayey ka doorbideen inay u tamashleeyaan Soomaali kala qoqobkeed.

Dhanka kale, kaba dhig inay xaq tahay in shirkaddaa laga keeno mooshin, dalka ma kaligeed ayaa shirkad ka joogta, maxaa kuwa kale looga keeni waayey iyagana? Barlamaanku ma Soomaaliya oo dhan min Raas Casayr illaa Raas Kambooni ayuu Barlamaan u yahay mise Magaalada Muqadisho oo kaliya? Ma ka waryahaan  xaaladda ay ku sugan yihiin gobollada dalka?.
Waxaa jira mashruuc uu wado nin lagu magaaco Micheal Stock, oo ay ku baxayso lacag dhan $6,000.000 oo ka kooban hotel habeenkii lagu seexanayo ilaa $500, oo leh meelo laga cunteeyo, godka dabaasho (sweeming pool) iyo xeyndaab qiyaasti gaaraya ilaa 11 hektar, ay u dheer tahay dhul beereed laga soo goyn doono cuntada hoteelka laga isticmaali doono, waxaana fulinaya Sharikada BANCROFT GLOBAL INVESTIMENT, haddaba, maxaa mooshin looga keeni waysan yahay taa, oo uun Favori loo eegnayaa? “Timir laf baa ku jirta!”. Maxaa Shirkada SKA ee joogta gobollda bari ee hubka sharci darrada ku haysta iyo diyaaradaha looga keeni waayey mooshin?.

Waxaa la yaab leh, kuwan hadda quuqle, ma maqasheen iyaga oo ka haldlaya, ciidanka Xabashi ee dalka jooga, ee kor u sii dhaafaya afartan kun? Ma maqasheen iyaga oo ka hadlaya ciidanka Kenya, ee gobollo dhan iska maamusha? Ma ka maqasheen iyaga oo ka hadlaya Soomaalida sida daran loogu bahdilay Kenya? Ma maqasheen iyaga oo ka hadlaya biyo la’aanta iyo abaaraha ka jira dalka guud ahaan? Marka waxa ay u damqanayaan waa maxay, haddii aysan dalka xaalkiisa marnaba ka hadal?.

Mashruuca “Fadlan ku shubo” ee ay caanka ku yihiin Xildhaannadu, ayaa sida muuqata maalmahan cagaarkii ay daaqi jireen, marfashyadii iyo sandaqadihii ay la fadhi xumaayeen daymo looga yeeshay ama cariiri ka galay, intii ay ka aruursheen rididdii xukuumaddii mudane Saacid ayaa iyana ka le’atay, oo waxay doonayaan xoogaa kale, oo ay uga gudbaan jilaalka ay ku jireen.

Hubaal in wax walba lays weydiiyo sababta keentay, waa cidma waa kumase waase qoladee kuwa mooshinkan soo abaabuley, oo  iska kaashadey? Ani waxay ila tahay;

1. Dowladaha deriska oo dhibaato weyn u arka iyo suuq xumo ku soo fool leh, duullimaadyada Turkish Airweys, oo  dadkii Garoommada Addis Ababa iyo Nayroobi ka degi jirey ay Muqdisho toos uga degaan oo ka sii kala aadaan Gobollada dalka.

Dowladaha deriska ayaa aaminsan haddii Garoon Caalami ah laga dhiso Muqdisho inuu sababi karo inay dhammaan diyaaradaha adduunku ku degaan, maadaama ay tahay meel kaga habboon Addis Ababa iyo Nayroobi labadaba.

2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee u arka inay wax dhimaale ugu jiro waxqabadka Shirkadaha Turkiga oo doonaya inay qandaraas beena ku qaataan. “Qowda maqashii waxna haw qaban” waxaaba la leeyahay shirkada Favori waxaa wadaag ah shirkad uu leeyahay mudane Xasan madaxweynaha Jamhuuriyadda Beelaha Soomaaliyeed.

3. Kooxo iyagu guud ahaanba u arka inuu Turkigu sameeyey cadaalad darro oo ay ahayd waxtarkiisa inuu Caasimadda ku koobey oo qaab beeleed wax u qaybiyo, oo qabiil walba wax siiyo, halka Turkigu u arko inuu Soomaali caawiyey, oo uun kaliya doonaya sedbursi dheeraad ah.

4. Dowladdaha reer Galbeedka oo aad uga soo horjeeda Saaxiibnimada iyo wadaaynimada Turkiga iyo Soomaaliya oo arka inay indhaha shacabkii beenta lagu caawin jirey kala ogaanayaan, kan waxtaraya iyo ka waxyeelleenaya.

Kooxahan ayaa guud ahaan waxay isu bahaysteen inay damiyaan oo duugaan hammiga dadka reer Muqdisho oo ayaamahan soo noolaanaya, naruuro iyo niyadna u soo yeeshay dhinaca waxqabsiga iyo Nabadda. Haddaba shalay sawtii lagu caayey muqdisho waa mugdi, maxaa Nalka iyo Soolarka looga keenay mooshin ama loo qarxinayaa? Sawtii lagu caayey Muqdisho dekadda iyo garoonka ayaa xiran, haddey furmeen maxaa loo xirayaa? Sawtii lagu caayayey Muqdisho waddooyinkaa burbursan, maxaa dhismayaasha waddooyinka mooshin looga keenayaa? Mooshinkan ka dhanka ah shirkadda Favori, oo ah mid ka dhan mashaariicda dawladda Turkigu ka waddo Muqdisho iyo Soomaaliyaba makii aan maqlay waxaa iga soo hormuuqday mooryaantii diidi jirtay in qashinka laga qaado waddooyinka magaalada! Bal adba.

Midda kale, maxaa aamusiyey ardada wax ku barata dalka Turkiga, oo ay dhacdadan uga hadli waayeen, ugu yaraan maxay uga samayn waayeen bannaanbax ay ku cabbiriyaan inay ka soo horjeedaan kooxdan qawlaysadata ah, ee ay u caddahay kaliya inuu dalkan afduub ku haystaan, oo aan marna la rabin hormar iyo xasillooni.



Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

http://bilediraac.wordpress.com/

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook