Muqdisho Oo Laga Taageeray Cali Khaliif Galayr Iyo Khaatumo +SAWIRO

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maanta ka dhacay kulan si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State Cali Khaliif Galeyr, kaas oo dhawaan loo doortay inuu maamulkaasi hogaamiyo afarta sano ee soo socota.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qeyb galay boqolaal ruux oo isugu jira masuuliyiin dowladeed, xildhibaanno, wasiirro hore, ururada haweenka qaranka iyo gobalka Banaadir, ururka dhalinyarada Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale.

Abwaanno iyo fanaaniin Caan ah oo ay kamid yihiin Abwaan Sangub iyo Qoomaal ayaa munaasaba joogay iyada oo laga qaaday halkaasi heeso iyo gabayo lagu muujinayo taageerada maamulka Saldhigiisu yahay magaalada Taleex ee hogaanka uu dhawaan u qabtay Cali Khaliif Galeyr oo ah R.wasaarihii hore ee Soomaaliya waayihii danbana ahaa xildhibaan kamid ah baarlamaanka dalka ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

Intii Munaasabada socotay ayaa waxaa ka hadlay Wasiirkii hore Arimaha Dibada Soomaaliya Cali Jaamac Jengali, Xildhibaan Cali ganeey, Xildhibaan Cabdi Waaxid Shariif, Ugaas Maxamed Bashiir Ugaas Xasan, Caaqilka Beesha Banaadiriga, Ugaaska Beesha Jareerweyne Sheekh Mukhtaar, Mid ka mida odayaasha dhaqanka beelaha Daarood Cabadi Salaan Tuuryare, Jawaahir Baarqab, gudomiyha Ururuka Haweenka gobalka Banaadir, Faadumo Cabdi Warame, iyo gudoomiyah Ururka dhalinyarada Qaranka Somaliyeed, waxa ayna dhamaan sheegeen in ay taageerayaan hogaanka cusub ee Maamulka Khaatumo State.

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook