opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

NICHLOS KAY OO OO GAROOWE TAGAY

Share

Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya Nichlos Kay, ayaa maanta oo Axad ah wuxuu gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo uu kula shiray masuuliyiinta maamulkaasi.

Danjire Kay waxaa madaarka diyaaradaha magalada kusoo dhaweeyay wasiirro ka tirsan Puntland,kuwasoo usoo galbiyay aqalka madaxtooyadda.

Dr.Gaas iyo Danjire Kay oo madaxtooyadda ku shiray ayaa ka wada hadlay sida ay wararku sheegayaan arrimaha siyaasadda Somalia iyo socdaalkiisa Garowe.

Danjire Kay waxa uu sheegay inay tahay markii lixaad uu mudo sanad ah yimaado magalad Garowe isla markasna uu ku faraxsan yahay sida loogu soo dhaweeyay.

Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin Kay inuu mar kale Garowe yimaado magaladuna ay tahay Hooyadii Somaliya oo lagu dhisay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Wararka la helayo ayaa sheegaya Kay inuu kala hadli doono madaxda Puntland arrimaha siyaasadda sida dhismaha mamul u samaynta Mudug iyo Galgaduud.inkastoo uu Kay horay u sheegay inuu saamayn ku yeelan doonin Puntland mamulkasi la dhisayo.


Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook