opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Paul Pogba oo ku dhow inuu qandaraas cusub Usaxiixo kooxdiisa Juventus

Share

Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas cusub oo shan sanno ah u saxiixi doono kooxdiisa Juventus Isbuucyada soo aadan.

21 sanno jirka qadka dhexe ayaa kooxda reer Italy uga soo biiray Manchester United sannadkii 2012 wuxuuna sameeyey horumar uu ku noqday mid ka mid ah xiddigaha qadka dhexe ee dhalinyarada ah ee ugu fiican Yurub.

Tiro kooxo ah oo ka dhisan Yurub ayaa lala xiriirinaayey saxiixa xiddiga reer France. Laakiin Juventus ayaa la fahamsan yahay in aysan isku diyaarineyn inay iibiso xiddihii hore ee Le Havre.

Sida laga soo xigtay jariiradda Daily Star, Pogba ayaa qarka u saaran inuu qalinka ku duugo qandaraas cusub oo shan sanno ah oo uu kula sii joogayo kooxda ka dhisan Turin.

Pogba ayaa 16 kulan u saftay xulkiisa qaranka dalka France.

BARIIS WARDOON SPORTS
WARDOON.NET@GMAIL.COM

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook