Qaabkee loo afduubtay Gaariga Madaxweyne Uhuru Kenyaatta?+ VIDEO

Gaariga Khaaska ee Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa la dhacay xilli uu Madaxweynuhu booqasho ku joogay magaalladda Mombasa.

Dareewalka Madaxweynaha oo lagu magacaabo Dan Machui ayaa lagala degay gaarigaasi oo noociisu ahaa BMW 5, oo aysan xabbaduhu ka dusi karin.

Dareewalka ayaa waxaa gaariga kala degay saddex dabley hubeysan oo iyagu gaariga soo daba raacay, markii uu Madaxweynuhu kaga haray Mombasa.

Dableyda ayaa la sheegay inay qori ku qabteen Dareewalka oo isagu xilligaas ku sii jeeday Deegaanka Ruai oo uu danno gaar ka lahaa.

Waxaa la sheegay inay daaqadda gaariga furnaayeen markii Dareewalka qoryaha lagu qabtay.

Dableyda waxay dharka ka wada xayuubiyeen Dareewalkii, kana qaateen bistoolad cabaysanayd oo uu watay.

Dableyda hubeysan aayaa la sheegay inay muddo dhowr saacadood gaarigii ku dhex marayeen magaalladda Nairobi, iyadoo Dareewalka Madaxtooyadda kursi dambe fariisiyeen, isagoo aan dhar wadanin.

Abaarihii 02:30 habeenimo ee saq dhexe ayey Dareewalkii watay gaariga Madaxweynaha isaga dejiyeen Deegaanka Mihango oo ku dhow Kulliyadda Tababarka Maamulka Boliskaee Embakasi.

Gaariga ayaa markii ugu muuqaal dambaysay ku sii jeeday Deegaanka Muguga, laakiinse wax yar kadib, waxaa la waayey calaamadda lagala socday dhaqdhaqaaqiisa, iyadoo Ciiddanka Boliska iyo kuwa ka hortagga Dembiyadda baadigoobayaan Gaarigaasi BMW 5 oo dalka Jarmalka lagu farsameeyey.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook