Rikoorada laga diiwaangeliyay kulankii Arsenal iyo Crystal Palace

Arsenal ayaa markan is xoreysay oo badisay kulankeeda ugu horeeya horyaalka Premier league waana wax aysan horay u sameyn mudo afar xili ciyaareed oo tagay.

2-1 ayey ku adkaatay goordambe markaas oo ay la ciyaarayeen Crystal Palace.

Rikoorada laga diiwaangeliyay kulankii Arsenal iyo Crystal Palace

Markii ugu horeysay afarsano kadib Arsenal ayaa guul ku furatay kulankeeda ugu horeeya horyaalka Premier league.

Gunners wax guul ah ma aysan gaarin  afartii kulan ee ugu dambeeyay toddobaadka furitaanka Premier league,waxaa ay gashay bar baro seddex hal jeerna waa laga badiyay waana sanadkii hore oo 3-1 ay kaga adkaatay Aston Villa.

Palace ayaa iyana waligeedba rikoor xun ku fureysay horyaalka waana guuldaro,horay waxaa ay u badisay hal jeer shantii kulan ee furitaanka Premier league ugu dambeeyay,laba bar baro laba kalana waa laga badiyay.

Guushii Arsenal ay ka gaartay Crystal Palace ayaa ka dhigtay inuu buuxsatay guusheedii 100 aad ee Premier league garoonkeeda Emirates Stadium.

Arsenal ayaa gaartay sidoo kale guusheedii lixaad oo xiriir ah sanadkii hore iyo xagaagan marka leysku daro,Horay waxaa ay toddobo jeer oo xiriir ay u adkaatay sanadkii 2012.

11 kulan oo ay kooxahan kulmeen xiliyadii ugu dambeeyay Arsenal ayaa ka badisay siddeed jeer Crystal Palace.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook