Rooney Oo loomagacaabay captainka cusub ee Man United

Wayne Rooney oo si cajiib ah uga soo muuqday kulamadii saaxiibtinimo ee kooxda Manchester United, ayaa Tababaraha kooxdaasi uu u gartay inuu ku abaalmariyo kabtanimada kooxda Red Devilska.

Tababare Van Gaal ayaa tibaaxay in magacaabista Kabtan cusub ay isaga muhiim u aheyd, tan iyo markii uu kooxda isaga tegay kabtankeedii hore Nemanja Vidic oo ku biiray naadiga Inter Milan ee horyaalka Serie-A ka dheesha.

Rooney ayaa sidoo kale dhankiisa ka hadlay shaqada cusub ee loo magacaabay, Isagoo xusay inuu aad ugu faraxsanyahay Jagada cusub iyo doorka muhiimka ah ee Tababaraha reer Dutch uu ku sharfay xidigaan.

Dhanka kale Van Gaal ayaa Fletcher u magacaabay kabtan ku xigeenka Kooxda Manchester United, oo uu sidoo kale faarujiyay xidiga reer France Patrick Evra.

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook