opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Nabad Suggida oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Share

War goor dhow naga soo gaaray Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in Daqiiqado ka hor Agagaarka Isbitaal SoS lagu Qarxiyay gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida oo geeriyooday.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Axmed C/raxmaan Ciise oo ku magac dheer ‘’Dhega-juun’’ waxaana la Tilmaamayaa in Qaraxa lala eegtay gaarigiisa, iyadoona uu u geeriyooday Sargaalka dhaawac culus oo ka soo gaaray Qaraxa.

Sarkaalka Qaraxa lagu dilay ayaa ahaa Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida ee Degmada Heliwaa, waxaana Qaraxa loogu aasay meel ku dhow Isbitaal SOS oo uu xiliyada Habeenkii ku nasan jiray.

Dilka Sargaalka ayaa waxaa Warbaahinta uga warbixiyay Khaliif Axmed Maalin oo ah Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Heliwaa oo sheegay in Sargaalka uu isla goobta ku geeriyooday.

Waxa uu Khaliif Axmed Maalin Xaqiijiyay in Dhega-juun uu ahaa Taliyihii Hay’adda Nabad Suggida ugu magacawnaa Degmada Heliwaa, wuxuuna Cadeeyay inuu ku baxay gacanta Kooxda Alshabaab.

Dhanka kale, dilka Dhega-juun kadib ayaa waxaa goobta ka dhacay Howlgalo lagu qabqabtay dad badan oo lala xiriirinaayo ku lug lahaan shaha Qaraxa.

Dilka Dhega-juun ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo maalmahaani ay Magaalada Muqdisho ka caaganeyd dilalka iyo Qaraxyada, kadib markii Ciidamada Ammaanka ay laba jibaaren weerarada iyo Howlgalada ay kula dagaalamayeen Alshabaab.

ahmed roble
wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook