opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Unka OO Muqdisho Kuqabtay Shir Muhiim Ah

Share

Shir ballaaran oo ay ka qayb galayaan dhinacyo kala duwan, ayaa waxa uu maanta ka soconayaa Xarunta Xalane, oo ku dhex taal Garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka Aadan Cadde waxaa maanta ka soo degay xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka oo 15 gaaraaya, iyadoo markii ugu horeysay ay xubnahaan si wada jir ah u yimaadeen Magaalada Muqdisho.

Shir goor dhow ka bilowday Xalane, ayaa waxaa ka qaybgalaaya Madaxda Dowladda iyo xubnaha Golaha Ammaanka, waxaana ku wehlinaaya Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Amisom iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira qaarkood, oo lagu soo casuumay shirka.

Si cad looma garanaayo waxyaabaha looga hadlaayo shirka dhinacyadaan kaga soconaayo Garoonka Aadan Cadde, balse waxaa lagu wadaa marka la soo gaba gabeeyo in Saxaafada ay si wada jir ah ula hadlaan.

Markii ugu horeysay oo xubno ka socdo Golaha Ammaanka ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ahayd sanadkii 1954-kii oo markaasi Somaliya loo tababaraayay Nidaamka Dowladeed, si madax banaani loo siiyo. Waxaana Magaalada Muqdisho soo gaaray 4 dal oo ka tirsanaa Golaha Ammaanka.

Waa markii ugu horeysay oo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ay si wada jir ay, booqasho ugu yimaadaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Shalay, ayay ahayd markii uu Magaalada Muqdisho booqasho aan la sii shaacin uu ku yimid Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Peter Drennan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook