opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Shabaab Muqdisho ka tagay iyo gaari ay wateen oo lagu qabtay Galmudug

Share

Rag Al Shabaab lala xiriirinayo iyo gaari ay wateen, ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Maamulka Galmudug, kuwaasi oo hada lagu haayo deeganada uu ka taliyo Maamulkaasi.

Ragan ciidamada Galmudug ay gacanta ku dhigeen, ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa saddex ruux iyo gaari Land Cruiser ah oo ay wateen, waxaana lagu haayaa deegaanka Wargala oo 40-Km dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Maxamed Nuur Cali (Gabaar), ayaa sheegay in ragan la qabtay, xilli ay wateen gaariga ayna ku wajahnaayeen Magaalada Gaalkacyo.

Taliye Gabaar ayaa ku waramaya in saddexdaan ruux iyo gaariga ay wataan loo gudbinayo Magaalada Gaalkacyo si baaritaan halkaasi loogu sameeyo.

Labo kamid ah ragaasi ayaa taliyaha wuxuu sheegay inay ka yimaadeen Magaalada Muqdisho halka midka kalena uu ka raacay meel tuulo ah, balse ma uusan sheegin tuuladaasi.

Maamulka Galmudug ayaa wuxuu diyaargaroobayaa xuska 8-aad ee aas-aaska Maamulkaasi, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhanka Koonfureed.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook