Somaliland OO Saxaafada Usoobandhigtay Magacyada Maxaabiis Ay Shalay Kuqabatay Dagaalkii saaxdheer

Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigtay Magacyada Maxaabiis ay sheegeen in ay ku qabteen dagaalkii shalay aroor hore ka dhacay Deegaanka Saax-Dheer ee Gobolka Sool halkaas oo lagu waday in ay ka dhacdo xaflad lagu caleemo saari lahaa Madaxweynaha Khaatumo State Dr Cali Khaliif Galeyr.

Dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Saax-Dheer waxaa ka dhashay qasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac , waxaa sidoo kale dagaalka lagu kala qabsaday hub iyo gaadiid dagaal.
Deegaanka Saax-Dheer oo shalay uu ka dhacay Dagaal Culus ayaa saakay ah mid dagan inkastoo wali xiisado dagaal laga dareemayo , waxaana wali war rasmi ah laga heyn halka ay kusugan yihiin Madaxweynaha Maamulka Khaatum oo Cali Khaliif Galeyr iyo xubno badan oo ka qeyb gali lahaa Xaflada Caleema saarka.

Tiro maxaabiis ah ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa lagu xiray xabsi kuyaala Magaalada Burco, waxaana xunaha la xiray ku jiro xubno deegaanka Saax-Dheer u tagay ka qeyb galka Munaasabada calemo saarka Cali Khaliif Galeyr.

Halkan ka Aqriso magacyada Maxaabiista ay soo bandhigeen Maamulka Somaliland

1. Ciise Cabdi Cabdulle
2. Siciid Jaamac Ismaaciil
3. Cabdirisaaq Axmed Saleebaan
4. Xuseen Xasan Jaamac
5. Asad Xuseen Cismaan
6. Xildhibaan Maxamuud Axmed Ibraahim
7. Dhuux Deeq Axmed
8. Shir-shoole Maxamuud Xaaji Hirad
9. Maxamed Cumar Cabdi

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook