Tababaraha Holand oo ku dhawaaqay xulka Holland ee ciyaari doona labada kulan soo aadan

Rafael van der Vaart iyo Gregory van der Wiel ayaa dib ugu soo laabtay iyadoo tababare Guus Hiddink uu markiisii ugu horreeyey magacaabay xulkiisa Holland tan iyo markii loo dhiibay xilkaan.

Hiddink – oo bedelay tababaraha cusube ee Manchester United Louis van Gaal ayaa magacaabay 25 ciyaaryahan Arbacadii maanta aheyd, iyagoo isku diyaarinaya inay ciyaaraan laba kulan bisha soo aadan, kulanka hore oo ah mid saaxiibtinimo waxay ka hor imaanayan Italy 5ta bisha September.

Holland ayaana bilaaban doonta isreebreebkeeda Euro 2016 afar maalin ka dib iyadoo wajihi doonta xulka Czech Republic ciyaar ka dhici doonta caasimadda Prague.

Van der Vaart ayaan kasoo muuqdan xulka Holland tan iyo bishii November 2013, kulankii ay barbardhaca goolal la’aanta ah la galeen Colombia. 31 sanno jirkaan ayaana dhaawacyo la dhibtoonayey xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, isagoo dhaliyey todobo gool 12kii kulan ee ugu dambeeyey xulka qaranka, si la mid ah Van der Wiel, ayaan dhaawac u seegay Koobkii Adduunka ee Brazi.

Hiddink ayaa sidoo kale xulkiisa kusoo darsaday in ka badan laba ciyaaryahan oo aan kasoo muuqdan Koobkii Adduunka, Erik Pieters iyo Jeroen Zoet kuwaasoo markii ugu horreysay xulka qaranka loogu yeeray.

Marka loo fiirsho 23kii ciyaaryahan ee ka qeybgashay Koobka Adduunka, Jonathan de Guzman iyo Terence Kongolo ayaa laga reebay. Holland ayaana kaalinta seddaxaad uga dhameystayay tartankii sannadkaan ka dhacay Brazil.

XULKA HOLLAND:

Goolhayeyaal: Jasper Cillessen (Ajax), Tim Krul (Newcastle United), Michel Vorm (Tottenham), Jeroen Zoet (PSV)

Daafacyada: Daley Blind (Ajax), Stefan de Vrij (Lazio), Daryl Janmaat (Newcastle United), Bruno Martins Indi (Porto), Erik Pieters (Stoke City), Gregory van der Wiel (Paris St Germain), Paul Verhaegh (Augsburg), Ron Vlaar (Aston Villa), Joel Veltman (Ajax)

Qadka Dhexe: Jordy Clasie (Feyenoord), Nigel de Jong (Milan), Leroy Fer (QPR), Arjen Robben (Bayern Munich), Wesley Sneijder (Galatasaray), Rafael van der Vaart (Hamburg), Georginio Wijnaldum (PSV)

Weeraryahano: Memphis Depay (PSV), Klaas-Jan Huntelaar (Schalke), Dirk Kuyt (Fenerbahce), Jeremain Lens (Dynamo Kiev), Robin van Persie (Manchester United)

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook