Top Secret Qorshe lagu xiraayo Madoobe Nuunoow oo la ogaaday

xoghoose Ay Heshay Warbaahinta Wardoon Aya Sheegaya Inuu Jiro qorshe adag oo la doonaayo in lagu soo xiro madaxweynaha maamulka K/galbeed ee Lixda gobal Madoobe Nuunoow Maxamed.

Waxaa si hoose ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo loogu gudbiyay warqad lagu amraayo in hadii muddo 48-saacadood aanu ku tanaasulin Madoobe Nuunoow Xabsiga lasoo dhigo.

Waxaa arinkaasi ka war helay Madoobe Nuunoow iyo Taageerayaashiisa waxayna bilaabeen in durba halkaasi ay banaanbaxyo waaweyn ka dhigaan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan sidoo kale in Warqadaan uu gudbiyay Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo maalmahaan dambe seeftiisa banaanka ay timid.

Baydhaba waxaa isku haysta Laba Maamul, waxaase awooda iyo taageerada shacabka haysta maamulka Madoobe Nuunoow hogaamiyo.

Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook