Wafdi Dowlada Somaliya Iyo IGAD Oo Barre Hiiraalle Ugu Tagay Goobweyn Oo Heshiis Muhiim ah isla Gaaray +COD+SAWIRO

Warka ka imaanaya Deegaanka Goobweyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Wasiiradii ka socday Dowlada Soomaaliya ay gaaren Goobweyn, si ay kulamo ula qaatan Col. Barre Hiiraale.

Warar hordhac ah oo aan ka heleyno Goobweyn ayaa sheegaya in kullan qaatay Seddex saac kabadan uu dhexmaray Wasiirada DFS oo uu Horkacaayay Wasiirka Maaliyada iyo Col.Barre Hiiraale, iyadoona halkaasi lagu lafaguray Arrimo badan oo aan u cuntameynin Barre.

Kullanka oo Wakhti badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay hakinta Khalalaasaha ka dhaca Kismaayo iyo nabadgalyo ka dhex dhalata labada garan Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Wasiirada ayaa dhageystay Cabasho iyo codsiyo dhanka Barre Hiiraale, waxaana kamid ahaa in Axmed Madoobe ay u aqoonsan yihiin Cadowgooda koowaad, balse aysan cadaawo kale u arkin Ciidamadiisa iyo Saraakiisha la shaqeysa.

Wasiirada ayaa waxaa ay doonayaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen maamulka Kismaayo iyo gollaha uu hoggaamiyo Col, Barre Hiiraale ee mucaaradka ku ah maamulkaasi,waxaana iminka socda wadahadal albaabada u xiran yihiin oo u dhexeeya madaxdaasi oo kaliya.

Sidoo kale, Wasiirada Goobweyn tagay ayaa waxaa ugu cad cad wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane iyo wasiirka arrimaha gudaha Abdilaahi Goodax Barre, kuwaasi oo labadooda markii hore midna kasoo horjeeday dhismaha maamulka Jubba midna uu taageersanaa maamulka Jubba, balse iminka ka siman in xal loo helo khilaafka labada garab.

Dhanka kale, waxaa weli socda Kullamada ay isku arkayaan Madaxda DFS ka socta iyo labada garab waxaana xoogiisa ka qeybqaadanaaya Saraakiil ka socta IGAD iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa la filayaa in markii ay Wafdigaasi ka dhamaadan Magaalada Goobweyn dib ugu soo laaban doonaan Kismaayo si ay ula hadlaan Axmed Madoobe, waxaana la Tilmaamayaa inay jiraan qodobo kasoo baxay kullankii Goobweyn balse aysan weli si rasmi ah usoo bixin.

 

 

 

 

bare1
bare2
bare3
bare4
bare5
bare6
bare7

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Wafdi Dowlada Somaliya Iyo IGAD Oo Barre Hiiraalle Ugu Tagay Goobweyn Oo Heshiis Muhiim ah isla Gaaray +COD+SAWIRO”

  1. admin says:

    BARE OO MARKAAN IS DHIIBAY TOLOW MAXAA QARSOON OO LOOSHEEGAY MISE WAA QIYAANADII HORE LOOGU SAMEEYAY MID LAMID AHBAA HADANE LOO DHIGAYAA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook