opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

WARBIXIN: Saxafiyiin Soomaali ah oo ka cabanaya saxafiyad kale oo Soomaali ah oo Talyaaniga dagan

Share

Shukri Said waa saxafiyad Soomaaliyeed oo ka shaqaysa Wargeyska {La republica} ee ka soo baxa dalka Talyaaniga, waxaana Shukri door weyn ay ka qaadatay iyada oo la kaashaneysa hayádo Talyaani ah oo u dooda xuquuqda suxufiyiinta in gudaha dalka Soomaaliya ay ka soo qaado suxufiyiin Soomaali ah oo dhibaatooyin isugu jira jir-dil, xabsi & hanjabaado loogu geysto meelo Soomaaliya ka mid ah, waxaana dadkii u dambeeyey ee ay Soomaaliya ka soo dhoofisay Shukri ka mid ah Faadumo C/qaadir oo aheyd gabar wariye ah oo sheegtay inuu kufsaday suxufi kale, balse baaritaan ciidamada boolisku ay  sameeyeen lagu ogaaday in eedeyntaasi ay aheyd masabid.

Suxufiyiin ku dhaqan Muqdisho & Kampala (Uganda) ayaa iyaga oo ka cabanaya Shukri Said waxey na soo gaarsiiyeen cabasho, iyaga oo ku eedeeyey inay ka soo sal-kicisay Magaalooyin ay daganaayeen, markii ay   u balanqaaday in ay u soo kaxeyneyso Talyaaniga, balse markii ay yimaadeen Kampala sida suxufiyiintaasu ku doodayaa waxa ay ka dansatay  taleefanada.

“Shukri Said hadda ka hor ayeey wariyeyaal si qarsoodi ah uga soo tahriibisay Talyaaniga. Annaga oo guryaheena joogna ayey na soo sal-kicisay qof la aamini karo ma ahan waa daneysato, xafiisyada hayádaha Talyaaniga ayey kula wareegeysaa waxaa jira hebel & hebel oo wariye ah oo dhibaateysan, markii loo ogolaadana waxeey ku soo kaxeyneysaa viisooyinkii la siiyey dad qabiilkeeda ah, magaceena in ay ku qaraabato ma rabno, annagu haddaan nahay suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo aan joogno waa isku filanahay. Saxaafadda Talyaaniga waxaan uga digeynaa in aysan gabadhaas & shaqsiyaadka la hal-maala ee nagu qaraabanaya ay naga wareysato  waxaan leeyahay fadlan dhagaha ha laga fureysto` Ayuu yiri mid ka mid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ku dhaqan Talyaaniga oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso, waxaana uu tilmaamay in cabashada uusan keli ku aheyn ayna jiraan shaqsiyaad kale oo suxufiyiin ah oo sida uu sheegay ay Shukri Said kala kulmay xaalad la mid ah tan isaga ku dhacday.

Waxaa xusid mudan, in aaney  inoo suurtagalin inaan Shukri Said ka wareysano waxa ka jira eedeynta loo soo jeediyey, markii aan isku daynay xiriirkeeda waa inoo suurtageli waayey.

Cabdifitaax Diiriye oo ka mid ah Jaaliyadda Roma, kana mid ah shaqsiyaadka ayidsan dhaliilaha loo jeedinayo Shukri, wuxuu dhinaciisa sheegay in qof kasta oo Soomaali ah, weliba qurba-joogta  in ey tahay in damiirkoodu adeejiyo, waxaana uu tilmaamay in  qof kasta waxa uu bulshadda u qabto ay taariikhdu xusi doonto, isaga oo ku tilmaamay Shukri gabar jecel inay milkiso magac, balse aan ogeyn mararka qaarkood cawaaqibta ka dhalan karta qaladaadka ay sameyneyso, waxa uuna sheegay in qof kasta uu sameyn karo wax isaga la qurxoon, haddana bulshadu ay tahay marqaati.

“Marka aad tiraa anigu waxaan ahay suxufi, macnaheedu waxey tahay inaad sheegtay in aad tahay “MACALIN” ay dadku dhageysanayaan hadaladiisa, marka ay kaa soo baxaan hadallo aan ku habooneyn anshaxa qofka muslimka ah, waxey dhaawaceysaa halka aad dadka ka joogto, markaas sharaftaadii ayaa hoos u dhaceysa, waana tan maanta Shukri Said haysata”   Ayuu yiri Mr. Diiriye, wuxuuna intaasi sii raaciyey in Shukri ay jeceshahay suxufinimada, balse mihnadeedu aysan aheyn.

“Shukri Said dadka aqoonta u leh waxey sheegeen in wararka ay ku qorto wargeyska (La republica) in aysan iyadu qorin ee ninkeedu uu qoro, taas cadeyn rasmi ah uma hayo, balse anniga & dad kale ee ila fikrada ah waxaan u aragnaa dafdafteeda in ay keentay qaladaad badan oo ceeb ku ah sharafta Soomaalida”

“Soomaalida ku nool Talyaaniga runtii aad & aad ayey uga yaqyaqsoodeen marka ay akhristeen hadalladii ay ku soo qortay wargeyska (La republica) iyada oo meel uga dhacday sharafta & magaca dhalinyaradii Soomaaliyeed, waxaana ey sheegtay in waqtigii Siyaad Barre AUN maadaama dumarka aysan fursad heli jirin in wiilashu ay iyaga isu galmoon  jireen, gabdhahana si ay bikranimadooda u ilaashadaan waxey tiri waxey ogolaan jireen in si aan caadi aheyn loogu galmoodo, qofka sidaa u hadlay ee ku ciyaaray magacii & sharaftii Soomaalida wax aan ku tilmaamo ma aqaan”  Ayuu yiri Cabdifitaax, wuxuuna soo qoray hadalladii ay Shukri ku qortay Wargeyska ook u sidoodii u qoran:

{Non è la prima volta che Mogadiscio si mostra tollerante verso gli omosessuali. Già sotto Siad Barre, oltre vent’anni fa, tutta l’alta borghesia si serviva dal famoso sarto Ali Gay ed era diffuso tra gli adolescenti il costume di rapporti omosessuali per mantenere, da una parte, il mito della verginità e, dall’altra parte, per superare la scarsa disponibilità femminile ai rapporti prematrimoniali.}

Cabdifitaax waxa kale oo uu sheegay in dhibaatada Soomaaliya ka jirto ay jiraan shaqsiyaad u isticmaalaya in ay uga faaídeystaan danahooda.

“Qof kasta oo Soomaali ah, iska ba daa, dadka aqoonyahan-nimada isku sheegayee, xittaa kuwa aan iskuulka hoose dhigan waa in ay wada wadaagaan dareenka ah; marka aad Soomaalida la joogto waxaad doontaan waad is oran kartaan, markase aad ajnabi la hadleyso waa inaad kor u qaadaa qiyamka & sharafta dadkaaga, qof kasta ee qurba joog ah waa inuu ogyahay inuu safiir u yahay dalkiisa, waxaan aragnay kuwa badan oo Soomaali ah oo dhaqankii & diintii xooray, haddana meel cidlo ah ku soo dhacay sida Shukri oo kale, xagana ma jiraan intana sooma jiraan runtii waa nasiib darro. Anigu saxafi waxaan dhihi kara qofku xittaa haddii uu leeyahay aqoontii saxaafadda waa inuu yahay qof ilaalinaya anshaxa, diinta, dhaqanka & taariikhda waddankiisa, waxaan {totally} ka soo horjeedaa kuwa marka ay qurbaha ku daahaan isku haysta in ay dhalan-rogmeen oo ay xagii kale u bateen, kuwaasi waxaa ku jira kuwa marka ay ka hadlayaan fagaarayaasha la isugu yimaado sida taleefishinada, idaacaha ama wargeys-yada ku caaya dadka ay ka dhasheen ee ay ku nasabiyad sheeganayaan si u macaanaayeen mowduuca ay ka hadlayaan, markaas baa dadka ama qofka ay la hadlayaan waxa uu hoos ka leeyahay, adiguna waxaad tahay dameer ka mid ah dameerada aad caayeyso, qof kasta waxa uu ku ixtiraamayaa marka adigu aad dadkaaga ixtiraamto”Ayuu yiri Cabdifitaax.

Dhanka kale, waxaa jira shaqsiyaad ka mid ah Soomaalida Talyaaniga oo u arkaya Shukri Said in ey tahay xiddig u soo baxday Soomaalida Talyaaniga, oo dedaal aan horay loo arag u gashay in ay ku soo jeediso indhaha hayádo Talyaani ah & Wargeysyo gabdho & wiilal Soomaaliyeed oo suxufiyiin ah, oo tacadiyo ka baxsan aadminimada loogu geystay gudaha waddanka.

“Waa gabar Soomaaliyeed oo dedaashay, waxna qabatay waxey awoodi kartay in ay meel iska fadhiisato, oo ay dusha uun ka daawato waxa dalkii ka dhacaya, sidaas ma aaney yeelin waxey dedaal ku bixisay in ay u doodo suxufiyiin dhowr ah oo la dhibaateeyey, xittaa haddii ay hal suxufi ka soo qaaday Soomaaliya waxaan u arkaa in la yiraa (gratsio), haddii se ay jiraan waxyaabo la taaban karo oo lagu eedeeyo waxaan qabaa in bannaanka la soo dhigi karo, in la is dhaliilo qof kastana farta lagu fiiqo qaladkiisa haddii aan Soomaali nahay inaan barano aad ayey u fiican tahay” Ayeey tiri gabar magaceeda ku soo koobtay Caasho.

W/Q: Shuceyb Xassan Quuri

Kampala- Ugandha

E-mail: somalimedia@hotmail.com

Afeef Maqaalkan Mas Uul Kama Ahan Wardoon waxayna Gaar Utahay Qoraha Maqaalkan

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook