opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wariyayaal Caan Ah Oo Isaga Tagay Shaqada Tvga Qaranka Ee SNTV Qeybtiisa London +VIDEO

Share

Sidaad War-baahinta qaar ku aragteen waxaa Shaqadii War-faafineed ee Xaafiiska TV-ga Qaran ee London isaga tagay Laba Wariye oo Katirsanaa aas aasayaashii Xaafiiskaasi kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Cilmi (Socoto) oo mar ahaa agaasimaha Xaafiskaasi iyo Barnaamij Soosaare iyo C/risaaq Aadan Geedi (Kismaayo) oo ahaa kusimihii Agaasimaha xaafiiska soona saari jiray Barnaamijyada .
Waxaan Marka hore halkaan idinkugu soogudbindoonaa War-saxaafadeedkii ay Labada weriye TV-yada Siiyeen iyagoo kaga hadlayay Sababta ay shaqada uga tageen kadibna waxaan idin soogudbindoonaa xogta rasmiga ah ee Arintaan.
Weriyayaasha ayaa si ay dowladnimo iyo dal jaceyl ka muuqdo uga hadlay waxa ay katabanayaan W/War-faafinta oo ay shaqaale ka ahaayeen kahor intaan la soomagacaabin Wasiirada hadda Jira.

Haddaba iswaydiinta ayaa ah Yeey wax katabanayaan? Yaase kadanbeeya isbedelka Lagusameeyay Xaafiiskaasi ?sideese loola dhaqmay labadaan weriye?

Wasiirka War-faafinta ayaa xaafiiskaan u soomagacaabay Aamino Muuse Weheliye oo katirsan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee muddada Howlaahan Saxaafadeed kujirtay balse Magacaabistaasi maahayn Mid lawargaliyay Maamulkii Hore ee Xaafiska taasoo ah waxyaabaha ay weriyayaashaani ka cabanayaan.

Markii Aamina Lamagacaabay waxay lawareegtay Maamulkii xaafiiska kalamana aysan hadlin maamulkii hore sida ay wax u dheceen ee waxay amar ku bixisay in Furaha Xaafiiska aan loodhiibi karin Weriyayaashii hore.

Labada Weriye ee Shaqada Ka fariistay ayaa taleefoonka kula hadlay Wasiirka War-faafinta Mudane Mustaf Sh. Dhuxuloow si ay cabashadooda ugu gudbiyaan balse Wasiirka Oo markii Horaba Wax magacaabay Ma usan dhageysan Cabashada labada weriye.

Labadaan Wariye ayaa Xaafiiska TV-ga Qaranka Ee London mudo sadex sano ah ka soo shaqeeynaayay iyagoon wax mushaar joogto ah qaadaneynin waxayna mudnaayeen in qaab nidaam dowladeed ah shaqada looga wareejiyo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook