Wasiiradaan Waarido Masibana Ilaah Hakurido Sidaas waxaa yiri +COD

Ciidamo isagu jira Boolis & Nabad Sugid ayaa Shalay weeraray Xarunta ADC-da xilli uu Shir uga socday Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ee Lixda Gobolka, sida Gollaha Guurtida, Golaha Wasiirada iyo qeybaha Bulshada ee Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Gadiidka iyo Garoomada ee Maamulka Lixda Gobolka ee Koonfur Galbeed, C/laahi Maxamed Idiris (Leesto) Oo Shirka Jaraa’id  Qabtay wuxuu sheegay in Baydhobo ay foolanayso Dagaal ay mas’uuliyadiisu leedahaya DFS.

Wuxuu sheegay in Ciidanka DFS ay ku amreen inay isaga soo baxayaan Xarunta, kadibna ay Rasaas is-weydaarsadeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Lixda Gobol oo markaasi ilaalinayay Madaxda halkaasi ku shirayay, oo uu ku jiray Madaxweyne Madoobe Nuunow. Khasaaro Dhimasho & Dhaawac ka dhashay Weerarka lama soo sheegin.

Xarunta ADC-da ayaa ah halkii lagu dhisay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madoobe Nuunow Maxa’ed, waana xarun ay dayactir xoogan ku sameeyeen Odayaasha dhisay Maamulka Koonfur Galbeed, waxaana inta badan lagu qabto Shirarka looga hadlayo Ayaha Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa rabta in Xarunta ADC lagu qabto Shir Maamul Cusub oo KMG ah loogu dhisayo Gobolada Baay, Bakool & Shabeellaha Hoose, kaasi oo ay Shacabka & Madaxda Maamulka Lixdaa Gobol kasoo horjeedaan.

Amed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook