Weerar Culus Oo Laguqaaday Guriga Xildhibaan C/Wali Qanyare iyo C/waal+ Taliyihii Cidankaas Oo Kudhintay Dagaalka

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo Dagaalka ka dhacay inta u dhexeyso Garoonka Aadan cadde iyo Hotel Jazeera, ayaa sheegaya in Duulaanka lagu qaaday Hooyga Xildhibaan C/weli Qanyare, waxa uuna C/weli sheegay in lagu soo weeraray dhowr gaari, isagoona taasi ku sheegay Mas’uuliyad dari.

Xildhibaan C/weli Qanyare, ayaa waxa uu Tilmaamay in Ciidamada nabadsugida ay si toos ah usoo hujuumen Hooygiisa, balse ay iska celsheen, Waxa uun sidoo kale, sheegay in burbur xoogan loo geystay Hooygiisa.
Dhanka kale, warar ayaa waxa ay sheegayaan in Weerarka uu qeyb ka ahaa Siyaasi Cabdi Nuure Siyaaad oo isaguna aan ka fogeyn guriga C/weli Qanyare.
War hadda naga soo gaaray dhanka Saraakiisha Ammaanka DFS ayaa sheegaya in Dagaalka uu ku dhintay Taliyihii Ciidamada Nabadsugida ee Hoggaaminaayay Ciidamada dagaalka qaaday uu ku dhintay Dagaalka.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Taliyaha oo lagu magacaabaayay Ceydiid uu ku dhintay Rasaastii ugu horeysay, waxaana la sheegayaa inay ka haleeshay rasaasta qeybta koro.
Meydka Taliyaha ayaa waxaa la Tilmaamayaa inuu iminka yaalo Isbitaalka Daarushifa ee Magaalada muqdisho, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamo farabadan iyo Saraakiil ciidan.
Dhanka kale, waxaa hadda degan Xaalada waxaana istaagay dagaalka iyadoona goobta uu dagaalka ka dhacay laga qaadayo Ciidamadii dagaalka ku waxyeeloobay.
 
Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook