opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Wiil Soomaaliyeed oo dhaawac halis ah uu madaxa ka soo gaaray +SAWIRO

Share

Naasir Yuusuf Guuleed oo ka mid ah Soomaalida aan weli helin sharciga qaxootinimo ee Dowladda Holland ay siiso dadka.
magangelya-doonka ah, ayaa waxaa dhaawac halis ah u geystay 2 ka mid ah saaxiibadiisa, kaddib markii muran dhexmaray uu isu bedelay gacan ka hadal.
Fu’aad Guhaad oo ah Afhayeenka Soomaalida billaa sharciga ah ee ku xareysan dhismaha Vlucht-garage ee {Amsterdam zuidoost}, ayaa saxaafadda u sheegay in booliska Holland ay xabsiga u taxaabeen Cali Xassan & Jaabir Xuseen oo dhaawac halis ah u geystay Naasir Yuusuf; waxaana uu sheegay in Soomaalidu ay ka argagaxeen dhaawaca halista ee wiilkaasi soo gaaray.

“Dhalinyaradan waxey ahaayeen dad saaxiibo ah, waxaa dhexmaray muran, waxa ay ku murmeen war uma hayno, wax beey isku qabteen waa is dileen, waa kala tageen, haddana ninkan dhaawaca loo geystay ayeey gurigiisa uga daba yimaadeen jug culus ayaana madaxa ka gaartay, qolkiisa ayeyna ku dileen; qaliinkii 2-aad ayaa madaxa looga sameeyey xaaladiisuna dhaqaatiirta waxeey ku sheegeen in berri kala cadaan doonto” Ayuu yiri Fu’aad Guhaad oo ah Afhayeenka Soomaalida ku jirta dhismaha Vlucht-garage, wuxuuna intaa ku daray in ay nasiib darro tahay dad Soomaaliyeed oo iyagiiba ay dhibaato meesha ku haysato in ay dhexdooda isi sii dhibaateeyaan.

Fu’aad wuxuu sheegay in ehelada Naasir ay soo gaareen Holland, ayna la socdaan xaaladda uu ku sugan yahay wiilkooda, iyada oo dad badani ay is-weydiinayaan waxa ay mudan karaan dhalinyarada xabsiga loo taxaabay.

Ninka-Holand-lagu-diley

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook