Xabi Alonso Oo Yiri Real Madrid Meelna Ugama Socdo

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Xabi Alonso ayaa carabka ku adkeeyay in uusan damacsaneyn in uu ka huleelo xagaagaan kooxda Real ,waxa ayna tani xad u yeeleysaa wararkii sheegayay in kooxda boqortooyda uu ka huleelayo .
Defensa Central ayaa ku dooday in Alonso xusay in marnaba kooxda meel uga socon isaga oo tilmaamay in hishiiskiisa uu dhamaanayo xagaaga 2016-ka
“Waxaan filayaa xilli ciyaareed adag iyo tartan weyn oo ciyaartooyda ah oo ku aadan cidda line up noqneysa ka dib markii Real la keenay ciyaartooy cusub”.
Dhawaan ayuu macalin Ancelotti sheegay in Xabi uusan fasixi doonin isla markaana yahay laacib qibrad leh oo ay kooxda u baahan tahay

bariis wardoon sports
wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook