opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xasan Xanafi Oo Qirtay Inuu Yahay Ninka Laradinayo

Share

Nin Soomaali ah oo ay hayeen ciidanka  boliiska ee dalka Kenya ayaa qirtay in uu yahay Xasan Xanafi  kaasoo oo ay doon dooneyso dowlada Soomaaliya  kadib markii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka wariyayaal Soomaaliyeed, sidaana waxaa maanta sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska ee dalka Kenya.

Ninkaas oo xaafadda Islii lagu qabtay horaantii bishan August ee sanadkan ayaa su’aalo la weydiiyay kadib wuxuu qirtay in uu yahay Xasan Xanafi isagoo markii hore  isku sheegay in uu magaciisu yahay Yuusuf  Xasan Abdisalaan.

Saraakiil ka tirsan boliiska oo codsaday in aan la magacaabin ayaa wakaaladda AP u sheegay in saraakiisha dowlada Kenya ay qorsheynayaan  sidii ay ugu gudbin lahaayeen Xasan Xanafi dowlada Soomaaliya oo hore u codsatay in lagu maxkamadeeyo guddaha Soomaaliya.

Xasan Xanafi ayaa heystay waraaqo sheegaya in uu yahay Kenyan inkastoo markii dambe uu qirtay in warqahaasi ay ahaayeen kuwo been abuur ah.

Xanafi ayaa gaaray dalka Kenya 14-kii bishii Maarso ee sanadkan si looga daweeyo dhaawacyo hore u gaaray.

Wuxuu yahay Xasan Xanafi xubin sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab waxaana loo heystaa dilalka wariyayaal Soomaaliyeed iyo muwaadiniin kale.

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook