Xildhibaan Xaabsade Oo Guryihiisa Lagubay

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay soo weerareen islamarkaana ay dab qabadsiiyeen Guryo uu ku lahaa Degaanka Toos-weyne oo 18 KM u jira Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa soo hadal qaaday in guud ahaan Guriyihii uu ku lahaa halkaasi ay gubeen Ururka Al Shabaab.
Xildhibaan Xaabsade oo hadalkiisa sii wata in Weerarkan lagu gubay Gurihiisa ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux oo kala ah 4 Waayeelo ah, 3 Caruur, 1 Macalin iyo 2 Askari sida uu u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Sikastaba, Degaano hoostaga Degmada Bardaale ayaa waxaa Dagaal siyaabo kala duwan uu ugu dhexmaraa Dadka Degaanka oo gacan ka helaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Ethiopia iyo kuwa Al Shabaab, Dagaaladaasi oo geysta qasaaro kala duwan.
Ahmed Roble
Wardoon.net@gmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook