opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xog culus Madaxweynaha Somaliya oo qorsheynaaya in muddo laba sano ah uu xilka ku darsado (Warbixin)

Share

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu qorsheynayaa sidii uu muddo kordhin u samaysan lahaa, waqti ka baxsan intii loo doortay tallada dalka.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa la lee yahay waxa uu garowsaday inaanay suurta gal ahayn, in sanadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo Doorasho xalaal ah, oo ay dadku ku soo dooranayaan hogaamiyaha ay doonayaan.

Sarkaal ka tirsan Qasriga Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa Warbahinta Wardoon.net Uga Xogwaramay in Madaxweynuhu uu bilaabay, tallaabo uu bulshada caalamka kaga dhaadhicinaayo in laba sano oo dheeraad ah, uu xilka ku darsado.

Sarkaalkaan, ayaa ku waramaaya in Madaxweynuhu uu soo jeedin doono, in uu sii shaqeeyo Baarlamaanka iminka jira ilaa sanadka 2018-ka, iyadoo uu xilliga la dhameysanaayo Dowladdiisa.

Xafiiska Madaxweynaha, ayaa wuxuu diyaarinayaa qorshe cad oo uu beesha caalamka ula hortaggo, waxa ay qabaneyso Dowladdiisa, haddiiba ay suurta gasho in muddo kordhinta laga aqbalo.

Qorshaha lagu diyaarinaayo Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu xariiqi doonaa in billaha soo socdo xoogga lagu saaraayo, sidii gacanta Dowladda loo soo gelin lahaa deegaanada, ay Shabaabku ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya.

Sidoo kale waxaa lagu sheegi doonaa in sanadka 2015-ka lagu taabo gelin doono dhameystirka Garsoorka iyo Dastuurka, isla-markaana ay dadka Somaliyeed kaalin buuxdo ku lahaan doonaan.

Sanadka xigga ee 2016-ka, ayaa qorshaha la diyaarinaayo lagu xusi doonaa in Dowladdu, ay ka shaqayn doonto horumarada dalka ka jira iyo sidii mashaariicda Dowladda loo gaarsiin lahaa dalka oo dhan.

Qorshahaan, ayaa sidoo kale waxaa lagu muujin doonaa in Dowladdu ay sanadka 2017-ka ugu diyaar garoobi doonto, nidaamka axsaabta badan, si looga soo saaro tiro yar oo xisbiyo ah oo tartanka Doorashada Madaxtinimada ka qaybgasha. Sanadka 2018-kana loo qabto Doorashada Madaxweynaha.

Ahmed Roble
Wardoon.netgmail.com

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook