opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Xildhibanaada Puntland ugu Jira DF & Nicklos key oo fooda is daray +COD

Share

Waxaa magaalada Muqdisho uu kulan dhexmaray Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicholas Kay iyo Xildhibaanada Dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Deegaanada maamulkaPuntland oo qaarkood ee dhowaan kasoo noqday magaalada Garoowe..

Xilbaan Maxamed Xuseen Aw Nuur  oo kamid ah Xildhibaanada ka qayb galay kulankaasi ayaa ka warbixiyey waxyaabaha looga hadlay, oo ay ugu waynayeen Khilaafka ka dhexeeya maamulka Puntland iyo Dawlada soomaaliya, Safarkii ay ku tageen garoowe, Xiisada ka taagan Maamulka Cusub ee Gobolada Galgaduud iyo mudug.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Nicholas Kay u sheegay in nadaynta iyo hirgelinta nidaamka Federaalka aysan wax u dhimayn maamulada jira, Maxamed Xuseen Aw Nuur waxa uu sheegay qodobo qarsoon oo ay kala hadleen Kay balse aysan Saxaafada u soo bandhigayn.
Dhanka Maamul u samaynta Gobolada dhexe ayuu sheegay in ay kala hadleen Kay isagoo sheegay in u sheegay in ay wadaan qorshaha lagu qancinayo Puntland isagoo sheegay warqad lagu cadaynayo maamul u samaynta Maamulka Galmudug iyo Galgaduud uu Nicholas Kay u gudbiyey.

Su’aal laga weydiiyey xildhibaan Maxamed Xuseen Aw Nuur wakhtiga sii socda ee mudadii ay Puntland u qabatay in wadahadalka uu bilowma ayuu sheegay in dadaalkeeda wadaan ayn gudi u xilsaareen dhawaana ay guda gelayaan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook