Aamina Muuse Oo Kasheekaysay Godane Dhibkiisii Iyo Inuu Dilay Xitaa Kuwii Kujufada Ahaa Ee Layimid Konfurta+ VIDEO

Tv-ga Dawlada soomaaliya (SNTV) ayaa waxaa laga Baahiyey Barnaamij Xog badan Xambaarsan kaasi oo looga hadlayey Weerarkii lagu diley Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, waxyaaba ka dhashay,  iyo Saamaynta ay leedahay arintaasi, Sidoo kale Bulshada ayaa uga qayb qaatay Khadadka Taleefanka.

Wariye Aamina Muuse Weheliye oo baraamijka daadihinaysay ayaa ka sheekaysay Taariikhdii hogaanka Al-shabaab, Sidii uu Xilkaasi ku qabtay, waxay sheegtay inuu Bilaabay inuu dilo Ragii Sar sare ee kala tirsanaa Ururur, Sidoo kalana Xataa uu diley Kuwa ay Isku beel ahaayeen oo ay iska soo Raaceen Waqooyiga Soomaaliya “Wuuxuu diley Xataa Kuwii Ay Jufada Ahaayeen” ayay tidhi.

Aamina Muuse Wehliyey ayaa waxay sidoo kala ka sheekeyay Saamaynta Al-shabaab ay ku yeelatay umada soomaaliyeed, Sida weeraradu ay uga baxeen gudaha dalka soomaliya ugana dhaceen wadamada deris ah, Sidoo kalana waxay sheegtay in Rag Al-shabaab ka tirsanaa ay Magaalada London Ku Gowraceen muwaadin kale.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook