opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Abu Qataada oo xabsiga laga sii daayey + SAWIRO+VIDEO

Share

Maxkamad ku taal dalka Urdun ayaa waxay maanta xabsiga ka sii daysay Cumar Maxamuud Cismaan oo loo yaqaan Abu Qataada Al-Falastiini oo ka mid ah wadaada aad ula dhacsanaa Fikirka Takfiirka waxaana uu caan ku ahaa Fatwooyinkii uu siin jiray kooxda Jamaaca Islaamiya oo leysay shacab iyo culumada badan.

Maxakamada ku taal dalka Urdun ayaa waxaa ay horey ugu eedeysay Abu Qataada Al-Falastiini in uu qeyb ka ahaa weerar lagu qaaday iskuul ku yaal dalka Urdun oo laga leeyahay dalka Mareykanka sanadkii 2000 waxaana isaga oo dalka ka maqan lagu xukumay xabsi daa,in.

Abu Qataada Al-Falastiini ayaa waxaa laga soo masaafuriyay Britain 2013-kii ka dib markii ay codsatay dowlada Urdun.
Garsoorayaasha Maxkamada la saaray Abu Qataada ayaa sheegay in ay wax danbi ah ku waayeen sidaa darteedna la siidaayey.

Abu Qataada Al-Falastiinii ayaa intii uu ku jiray xabsi ku yaal dalka Urdun waxaa uu weerar ku qaaday kooxda Khawaarijta ee Daacish isaga oo ku sifeeyey in ay yihiin Eeyaha Naarta waxaana uu qoray qormooyin kala duwan .

Abu Qataada ayaa waxaa uu markii uu ka soo baxay Maxkamada u mahad celiyey dhamaan cid walba oo ka qeyb qaadatay soo deyntiisa gaar ahaan looyaradii isigu jiray Urduniyiin iyo Britain kuwaas oo qeyb ka qaatay soo deyntiisa.

AB

Radical Muslim cleric Abu Qatada speaks to the media after his release from prison near Amman
Radical Muslim cleric Abu Qatada kneels at the feet of his father after being released from a prison near Amman
Radical Muslim cleric Abu Qatada hugs his family members after his release from a prison near Amman

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook