opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Agaasimihii Idaacada Dalsan Ee Muqdisho Oo Xabsiga Ladhigay

Share

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Arbaco ah xabsiga waxa ay dhigeen Agaasimaha Idaacada Dalsan, Xasan Cali Geeseey, xilli laga kaxeeyay xarunta Idaacada isaga oo ku sugan.

Idaacada Dalsan oo ku agtaala xarunta Xabsiga Godka Jilicoow, ayaa saaka waxaa u tagay ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, waxaana ay ku wargeliyeen inuu soo baxo Xasan Cali Geeseey Agaasimaha Idaacada Dalsan.

Intaasi kadib ayaa Xasan Cali Geeseey waxaa loo kaxeeyay dhanka Xabsiga Godka Jilicoow,halkaasi oo uu hada ku xiran yahay sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Shaqaalaha Idaacada Dalsan oo ka gaabsaday in magacooda lasoo xigto.

Hay’adda Nabadsugida Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay oo talaado aheyd waxa ay soo saartay go’aano saameyn ku yeelanaya Bahda Warbaahinta dalka, iyadoo Wariyeyaasha lagu amray inaysan baahin karin wararka ku aadan Al Shabaab iyo arimaha nabadgalyada Muqdisho.

Xasan Cali Geeseey ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in sababta loo xiray inay tahay wareysi uu siiyay Idaacada VOA oo uu kaga hadlay go’aanka kasoo baxay Nabadsugida Soomaaliya iyo war laga baahiyay Idaacadiisa oo ku saabsanaa arimaha go’aankaasi.

Arimahan ayaa muujinaya sida Nabadsugida Soomaaliya ay ugu soo jeesatay caburinta bahda Warbaahinta dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho ku sugan.

Wariyeyaasha Muqdisho ayaa dareemaya cabsi badan oo ku aadan dhanka Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook