opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Agaasmiyihii Idaacada Mustaqbal Ee Muqdisho Oo Laxiray

Share

Booliska, ayaa ka digay in wax dhaq dhaqaaq ah uu sameeyo Suxufiga, iyagoona ku qaatay gaadiidka Booliska, waxayna la taggeen oo ay ku xiran Saldhiga Booliska ee Afar Irdood.

Wariyaha oo aan la aqoon waxa lagu heysto, ayaa habeenimadii xalay ahayd ku hoyday Saldhiga Afar Irdood, iyadoo hay’adaha ammaanka ka gaabsadeen inay ka hadlaan waxa lagu soo xiray Wariyaha.

Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Cali Baashi C/laahi Cabdi uu Agaasmiye ka yahay Idaacada Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho, iyadoo eheladiisu ay sheegeen inaanay garanayn sababta loo soo xiray.

Xariga Suxufigaan waxa uu ku soo aadayaa, xilli Dowladda Somaliya ay u xiran yihiin ilaa afar Suxufi muddo bil ka badan, mana jirto wax Maxkamad ah oo la horkeenay.

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa toddobaadkii hore ku goodiyay in Dowladdiisu ay tallaabo ka qaadi doonto Suxufiyiinta reer Muqdisho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook