opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Alshabaab Oo Haweenay Kudilay Baraawe Kadib Marki Ay Guursatay 4 nin +cod

Share

Ururka Al Shabaab, ayaa shalay galab  waxa uu xukun dil ah uu ku fuliyay mid ka mid ah haweenka ku dhaqan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ka gadaal markii ay ku eedeeyeen in ay saddex nin guursatay, xilli uu nin kale oo afaraad uu qabo.

Fagaaraha, ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah bulshada ku dhaqan Degmadaasi, markii gaadiid lagu soo xiray cod baahiye-yaal, ay maanta dadka ugu yeereen inay isugu soo baxaan Fagaarahaasi.

Qaadiga Maxkamada Degmada Baraawe, ayaa waxa uu Fagaaraha ka sheegay in haweeneydaan oo lagu magacaabo Safiya Axmed Jimcaale, ay wada guursatay afar nin, taasina ay tahay mid sharciga ka baxsan.

Safiya oo 33 sano jir ahayd, ayaa waxay dhashay saddex caruur ah, waxayna Maxkamadaynteedu muddooyinkaanba ka soconeysay Degmada Baraawe,Qaadiga, ayaa ku dhawaaqay in Maxkamada Shabaabka ay haweeneydaan ku xukuntay xukun rajmi ah, oo markaasi lagu dilaayo sida uu hadalka u dhigay dhagax, maadaama sida uu sheegay ay ku kacday gogol dhaaf.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook