Alshabaab Oo Hogaamiye Cusub Udooratay Axmed Cumar “Abu Cubeydah Dilkii Godane Kadib

Ururka al-Shabaab ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u xaqiijiyay dhimashada Axmed Cabdi Godane oo ay sheegeen inuu ku dhintay weerarkii Maraykanka,

War-saxaafadeed ka soo baxay ururka ayaa lagu sheegay in Axmed Godane uu “Shahiiday” waxayna wacad ku mareen inay u aar-gudi doonaan dilkiisa.

Ururka ayaa wuxuu hoggaamiye cusub u doortay Sheekh Axmed Cumar “Abu Cubeydah”  oo sidoo kale loo yaqaan “Axmed Dirirye”

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaan guutadii Raas-kanbooni, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha gobollada Bay iyo Bakool ee al-Shabab.

“Abu Cubeydah” ama “Axmed Diriye” waxaa da’diisa lagu sheegay 40 meeyo.

War-saxaafadeedka ururka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay cusboonaysiinayso u hoggaansamidda hoggaamiyaha al-Qaacida Ayman al-Zawaahir.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook