Axmed Godane Oo Loobadinayo Inuu Xijaabtay

Suurta-galnimada ah in hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu ku geeriyooday weerarkii Mareykanka, waa mid aad u xooggan, ilo amni ayaa sidaas u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

“Waxaa jirta xaqiiq xooggan oo ku saabsan in Godane uu geeriyooday, laakiin weli waxa ay u baahan tahay in dhulka laga soo xaqiijiyo….taasina ma ahan wax sahlan” ayuu yiri sarkaal amni oo reer galbeed ah, oo AFP la hadlay, isaga oo codsaday inaan la magacaabin.

“Waxaan aaminsannahay in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu geeriyooday, laakiin meydkiisa ma hayno. Si kastaba aad bay ugu badan tahay inuu geeriyooday” ayuu yiri sarkaalka.

Waxa kale oo uu sheegay inuu aaminsan yahay in Al-Shabaab ay iminka ka hadlayaan qofkii beddeli lahaa Axmed Godane kadib weerarkii isniinti, balse waxa uu yiri “Weli waan qiimeyneynaa xaaladda”.

Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Cabdi Godane uu geeriyooday.

Xiriir ay AFP la sammeysay saraakiisha Al-Shabaab waxa ay diideen inay xaqiijiyaan ama beeniyaan in Godane geeriyooday.

“Kama hadalno beenta Mareykanka uu faafinayo ee ah inay dileen hoggaamiyaheena” ayuu yiri sarkaalka Shabaab u hadlay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook