Axmed Saleebaan Dafle Siilaanyo iyo Awogiisa Waligoodba Waxay Lajireen Gumeystaha Ingiriiska +VIDEO

Axmaed Saleeban Dafle oo kamid ahaa 5-tii Goliha Sare ee Dawladii dhexe ee Soomaaliya ayaa wuxuu   siweyn u taageeray Mamulka uu hogaamiyo Pro: Cali khaliif Galerdh Wuxuuna sheegay in Maamulka uu yahay Maamul taariikhi ah oo waligiisa la dagaalamijiray gumesiga ,Wuxuuna ka hadlay duulaanadii lagu qaaday magaalooyinka Saaxdheer iyo Taleex.

Axmed Dafle waxuu  Kasheekeeyay Taariikhda Hogaamiyaha maamulka Somaliland  Axmed Siilaanyo Wuxuuna  shegay in Siilaanyo uu san qasbi karin dadka rer khaatumo isagoona sheegay in Axmed Siilaanyo iyo Awogiisa ay waligood la jireen Gumeystaha Ingiriiska  halka khaatumana ay ladagaaali jirtay gumeystahaasi.

Geeta kale wuxuu Sheegay in Somaliland ee doonaysa Inay kala Goyso Umada soomaaliyeed lala geli doono Dagaal dheer, Horayna loogu dagaalamay Calanka soomaaliya Hadana diyaar loo yahay In Maleeshiyadaas kusoo duushay Dhulka khaatumo Laga Saaro.

Axmed Saleebaan Dafle ayaa waxaa uu ka codsaday Dadka Soomaaliyeed inay ka qayb galaan dagaalka ay ku la jiraan Nabaddiidka  Soomaaliland,  waxaana uu wacad ku maray in Dhulka khaatumo in ay san heysn doonin Soomaaliland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook