Barca oo si dirqi ah ku garaacday APOEL Nicosia xilli Ajax ay ku dhegtay PSG oo marti u aheyd+sawiro

Gool uu daqiiqadii 28aad ee ciyaarta madax ku dhaliyey daafaca dambeedka dhexe Gerard Pique ka dib laad xor ah oo uu soo qaaday Lionel Messi ayaa Barcelona ku hogaamiyey inay guul 1-0 ah ka gaarto APOEL Nicosia oo marti ugu aheyd Camp Nou kulankii furitaanka Group F ee tartanka UEFA Champions League.
Dhanka kale, kulankii kale ee Group F ee tartanka UEFA Champions League kooxda Ajax ayaa barbardhac 1-1 ah ku qabatay Paris Saint Germain oo marti u aheyd.
Edinson Cavani ayaa hogaanka u dhiibay PSG daqiiqadii 14aad, goolkaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta laakiin Lasse Schoene ayaa goolka barbardhaca u dhaliyey kooxda reer Holland daqiiqadii 74aad ee ciyaarta.

ba ba1 ba2 ba3 ba4 ba5 ba6

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook