Baydhabo Oo Kabilaabatay Dhoolatus Siyaasadeed Aadan Midoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka qeybqaatay Calaamo saarka Gudomiyaha Barlamnka 6da Gobol+SAWIRO+VIDEO

Waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka Somalia oo taageersan Maamulka lixda gobol ka kooban ee koofur-galbeed Somalia.

Xildhibaanadaani iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DF, ayaa waxa ay halkaasi u gaaren inay ka qeybqaatan xaflad lagu caleemo-saarayay guddoomiyaha cusub ee maamulka Koonfur-galbeed, Cumar Dheere.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaannada iyo Mas’uuliyiinta halkaasi gaaray uu Hor kacaayay Sheikh Aadan Midoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade.

Marka ay goobta Caleema saarka gaaren Labadaasi Mas’uul waxa ay goobta cod dheer uga sheegen inay taageersan yihiin maamulka lixda gobol ee horay looga dhisay Baydhabo, waxa ayna Shacabka iyo Xubnaha kalane ugu baaqen inay taageero muuqata la garab istaagan Maamulka.

Mudanayaashan ayaa waxay goobjoog ka  ahaayeen caleemo-saarka Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere) oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha golaha baarlamaanka maamulkan, taasoo ka dhacday xarunta ADCd-da Baydhabo.

Caleemo-saarka ayaa waxaa sidoo kale, goobjoog ka ahaa Ururada Bulshada, Hay’ado iyo Shirkado iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ka hadlay guddomiye ku xigeenka gobolka Bay Cusmaan Macalin oo kusoo dhaweeyay xubnihii Muqdisho ka yimid, isagoo soo bandhigay siyaasadda meesha ay ka soo billaabatay iyo meesha hadda marayso.

Dhanka kale, Xaabsade oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka u muujiyay taageero ballaaran, waxa uuna Tilmaamay in Maamulka Lixda Gobol uu ka shaqeyn doono Dalka Somalia oo idil, ruuxii kasoo horjeestana ay isaga Khuseyso.

Waxaa kaloo munaasabadda ka hadlay guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaan Afaraale oo iyagana sheegay inay taageerayaan maamulka, ayna magaciisa ku matalayaan baarlamaanka Soomaaliya.

Gabagabadii waxaa madasha ka hadal ka jeediyay guddomiyaha golaha guurtida Xasan Shure Maxamuud oo ku baaqay in berri la sameeyo dibadbax lagu taageerayo maamul goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee lixda gobol ka kooban, kaasoo uu sheegay inuu noqdo mid nabadeed.

Dhanka kale, waxaa maanta Baydhabo soo gaaray Ra’iisul waaaraha dalka, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdig uu hoggaaminayo wuxuuna kulan daqiiqado ah la qaatay guddomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, isagoon aan soo gelin Baydhabo, wuxuuna dib ugu laabtay Muqdisho.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegay in la isku afgaran waayay in Baydhabo uu gudaha u soo galo, taasoo keentay inuu markii dambe ka laabto garoonka, waana markii ugu horreysay oo uu ra’iisul wasaaruhu yimaado Baydhabo kana laabto garoonka.

MADOBE
MADOBE1
MADOBE2
MADOBE3
MADOBE4
MADOBE5
MADOBE6
MADOBE7
MADOBE8
MADOBE9
MADOBE55
MADOBE66
MADOBE77
MADOBE88
MADOBE99
MADOBE999

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook