opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

Caasimadda Arjantiin Ee Buenos Aires Oo Labedelayo

Share

Haweeneyda hoggaamiyaha ka ah dalka Argentine Karistiina Fernaandez oo booqasho ku joogta magaalada Santiyeego del Isteeriyo oo dhacda bartamaha dalkaasi ayaa ku dhawaaqday in la soo guurinayo caasimadda Buenos Aires

Waxa ay tilmaantay inay golaha Kongress-ka ay u gudbisay qaraar ay ku dalbatay in magaalada Biyuunis Aayris laga wareejiyo caasimadda Federaalka loona guuro Santiyeego del Isteeriyo oo masaafo dhan 965-KM u jirta caasimadda iminka ee Buenos Aires

“waxa aan idiin sheegayaa Halkan inay noqon doonta magaalo-madaxda dalka Argentine” ayey tiri Mrs. Fernaandez oo la hadleysay kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay bartamaha magaalada Santiyeego del Isteeriyo.

Waxa ay hadalkeeda ku dartay inay maanka ku heyso inay adkaan doonto tallaabadan fulinteeda hase ahaatee ay ku kalsoon tahay in lagu guuleysan doono ugu danbeyn.

Magaalada Santiyeego del Isteeriyo waxaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay magaalooyinka ugu kulka sarreeya caalamka lamana jawaabta ay bixiyaan golha Kongress-ka oo haatan uu qaraarkaasi hor yaallo.

HALKAN KA AQRI HADAAD ENGLSIH TAQAAN

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook