Caasimadda Norway Ee Oslo oo laga taagay Calanka Islamic-State(ISIS)+sawir

Magaaladda Oslo ee Caasimadda Norway ayaa xalay Xaafaddo badan lagu arkay Gawaari la suray Calanka Madoowga ee Shahaadada Islaamka ku qoran ee Dawladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya ka talisa iyo Kooxda Alshabaab ay caanka ku yihiin.

Xaafadda Tøyen ee bartamaha Oslo ku taal aya lagu arkay dhawr gaari oo is daba socda oo qaarkood Calanka Madoow suran-yihiin,waxayna taageerayaasha ku dhawaaqayeen inay ka xun-yihiin weerarkii xalay ee Wadamadda Carabta iyo Mareykanka oo is-bahaysanaya ay ku qaadeen gudaha Dalka Suuriya,Xarumo ay saldhigyo ku leeyihiin Kooxda Islamic-State oo lagu heysto Diinta Islaamka iyo Shareecadda Islaamka ayaad dooneysaan inaad ku dhaqdaan Suuriya iyo Ciraaq.

Arinta xalay ka dhacday Oslo,ayaa hadii ay ka dhici-laheyd wadamada qaar ,waxaa taageerayaashan ay muteysan-lahaayeen ciqaab adag,laakiin nasiib-wanaag waxay ku sugan-yihiin Dal Yurub oo aaminsan qofka xor inuu yahay ra’yigiisa.

HALKAN KAGAL WARKAN OO FAAH FAAHSAN

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook