opinion

somali links

somali links

Share

A

B

C

D

E

F

G

H

I

J

K

L

M

N

O

P

Q

R

S

W

X

Y

CABDI GOOD oo Kudhegay, Hodan Cabdiraxman, Farxiya Kabayare, Dalmar yare Iyo Maxamed Bakaal Cirro +VIDEO

Share

Barnaamijka Isir Raaca afka Soomaaliga ee kabaxa Tv-ga Somali Channel ayaa wuxuu noqday midka ugu hadal haynta badan, Waxaana Barnaamijka Todobaadkaan uu Cabdi Good kusoo Qaatay 3 Heesood oo siwayn bulshada soomaaliyeed ay u dhegaystaan, sidoo kalana wuxuu Barbar dhigay Heeso Hore oo u muuqda kuwa asturan marka loo eego Erayada Heesaha uu ku dhegay.

Sidoo kale Barnaamijka ayaa waxaa ka qayb qaatay Taageero yaal Xoogan oo yeeshay Barnaamijka Isir Raaca kadib markii uu Kusoo jeestay Qaarkamida Heesaha Soomaalida ee ka Fog dhaqanka.

Cabdi Good ayaa wuxuu Ugu horayn ku dhegay Heesta Caanbaxday ee ay Qaadado Fanaanada Hodon Cabdiraxmaan ee Lagu Magacaabo “HAY GAYN HOTEELADA, MARKAAD IGA GUN GAADHANA DURBA GOOSO HAY ODHAN” wuxuuna ku Tilmaay Faxshi aan Geed Loogu soo Gaban. HALKAN DAAWO HEESTA HODAN.

Heesta Labaad ee uu ku dhegay Cabdi Good ayaa waxaa Qaada Labada Fanaan ee Farxiya Kabayare iyo Dalmar yare Waxaana ka mid ah Eryada Heestaasi “DHAAYIHII NAFTAYDOOOW, MARKAAD DHOOL CAYDAYSEE, DHABANKA II SAALAAXDO AYAY XAADU I DHAQAAQDAA”  Cabdi good ayaa sheegay inay tahay wax aan Lagu Heesi karin sidoo kalena wuxuu dhaleeceeyay Qaabka Muuqaalkeeda loo duubay. HALKAN  DAAWO HEESTA DALMAR & FARXIYA

Ugu danbaynta Cabdi Good ayaa wuxuu ku dhegay Hees uu Qaaday Fanaanka Mohamed Bakaal Cirro  oo Lagu Magacaabo (Cishqigi i Afduubay) Waxaana sidoo kale Eryada Heeskaasi ka mid ah “DUNIADA IDILKEEDA INAN YAHAY, NAF IIBIIN LAHAYD ADAA INKIREE, CAKUYE IS ADKAYN KAMA IL BAXDIDE, CISHQIGA I AF-DUUBAY HALKAA KU ILOOW” Wuxuuna Heeska ku Sifeey arin yaab leh.HALKAN KA DAAWO HEESTA CIRRO.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook